Ex Maayar Muraad Oo Ku Dhawaaqay Arin Uu Ku Kala Qaybinayo Shacabka Reer Burco, Sheegayna In Ay Magaalada Burco Yeelan Doonto Laba Maayar! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ex Maayar Muraad Oo Ku Dhawaaqay Arin Uu Ku Kala Qaybinayo Shacabka Reer Burco, Sheegayna In Ay Magaalada Burco Yeelan Doonto Laba Maayar!
December 27, 2021 - Written by Editor:

Muxuu Daarnaa Dhawaaqa Xanafta leh Iyo kala Qaybinta Shacabka Reer Burco Xanbaarsan Ee Kasoo Yeedhay Maayarkii Hore Ee Magaalada Burco Muraad?

BURCO(W,N);-Maayarkii Hore Ee Magaalada Burco Muraad Oo Caawa Isagoo Horkacaya Koox Dhalinyaro Ah Oo Uu Soo Abaabulay ayaa Wacad Ku Maray In Magaalada Burco yeelan Doonta laba Maayar Isagoo Eedaymo Culusna Kula Dul Dhacay Maayarka Magaalada Burco Cabdirasaaq Heero oo isagu Xilka hayay mudo 4bilood iyo woxogaa ah.

Ex Maayar Muraad ayaa Isagu Magaalada burco maayar ka Ahaa Mudo 9sanadood ah Iyadoo Mudadaa Uu Xilka Hayay Aanay hore udhicin cid kamid ah golihii hore ee lala doortay Amaba bulshada reer burco oo qaab qabyaaladaysi utidhi hadal Caawa kasoo yeedhay oo kale.

Sidoo kale Hadalka kasoo yeedhay Maayarkii hore ee Magaalada Burco Oday Muraad ayaa umuuqday Mid uu ku kala Qaybinayo shacabka reer burco qaab qabiilaysan,

Bulshada ku dhaqan guud ahaan gobolka togdheer iyo Guud Ahaan shacabka reer somaliland ayay fajiciso ku noqotay Hadalka kasoo yeedhay  ex maayar muraad oo warbaahinta Kasoo muuqday isagoo dhalinyaro abaabulan horkacaya kuna Hanjabaya burco in ay  laba maayar  yeelan doonto, taasi oo Wajiyo badan bulshadu fasilatay.

Dhanka kale hadal maayarkii hore Ee Magaalada burco ugu Mudada dheer kasoo yeedhay ayaa dadka siyaasada sida dhow Ula socdaan ku fasileen in uu ahaa mid dhiilo xanbaarsan Islamarkaana Ififaalo u ah qorshe siyaasadeed oo lala Xidhiidhiyay In xukuumadu lug ku leedahay Kaasi oo ay ku Lamaan yihiin ujeedooyin qorsoon ay ka leedahay kuwaasi oo la Doonayo in bulshada reer burco lagu kala qaybiyo amaba looga Dan leeyahay shacabka reer burco in loo kala fadhiisiyo laba Daamood, amase hadii aynu si kala udhigno Habar Jeclo iyo Habar Yoonis Si bulshada looga mashquuliyo in ay danahooga Iyo horumarka burco Uga mashquulaan qaab hayb hayb ah Taasi oo hore ay ugu soo macaasheen siyaasiyiin iyagu Ilaashanaya dantooda gaar ah,balse aan ka fikirayn horumarka Shacabka ay ku xeeran yihiin duruufaha nololeed, iyagoo Ujeedadoodu tahay sidii ay ukala taageeri lahaayeen xisbiyo ku Suntan hanaan qabiil, oo aan midna ka shaqaynayn danta Shacabka reer burco.

Isku soo wada Duub oo waxaa  laga war sugi doonaan jawaabta Ay ka bixiyaan haldoorka reer burco iyo xukuumada xisbiga Kulmiye ee talada dalka haysa oo maayar muraad ka mid yahay Shakhsiyaadka taageerada xisbiga kulmiye ku abtirsan isagoo Hore hadalo xanafle oo la xidhiidha arimo siyaasadeed Warbaahinta ka sheegay, wallow dad qaar dhawaaqa Ex Maayar Muraad la xidhiidhiyeen in uu Hormuud uyahay qorshe Ay danbeeyaan xubno kamid ah xukuumada uu gadhwadeenka Ka yahay madaxwayne biixi ee xisbiga kulmiye oo iyagu uga Danle in aanay isku soo dhawaanin shacabka reer burco si ay Uga faa,iidaystaan kala qaybsanaantooda laguna jaangooyo hanaan Qabyaaladaysan.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE,

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS