Diblumaasi Maraykan Ah Oo Ka Hadlay Weftiga Ka Socda Congrayska Ee Ku Sugan Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Diblumaasi Maraykan Ah Oo Ka Hadlay Weftiga Ka Socda Congrayska Ee Ku Sugan Somaliland!
December 16, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Safiirkii hore ee dawladda Maraykanka u qaabilsanaa dalalka Itoobiya iyo Gini, Ambassador Timbor Nagy, ayaa ka hadlay Wefti ka socda Aqalka Koongarayska Maraykanka oo safar ku jooga Somaliland.

Ambassador Timbor Nagy, ayaa qoraal uu ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Twitter-ka, wuxuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay in Wefti ka socda Kongarayska Maraykanku ay booqdaan Somaliland.

Nagy wuxuu sheegay in Somaliland tahay dal aan la aqoonsanayn, balse dedaalaya oo qabsanaya wixii karaankiisa, sidaasi darteed Weftiga ka socda Maraykanku ay bilow u yihiin Socdaallada xaqiiqo-raadinta ah.

Timbor Nagy ayaa sheegay “Aad baan ugu faraxsanahay booqashada wefti ka socda Koonkarayska Maraykanku ay booqasho ku tagaan Somaliland” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Somaliland, waa waddan dhab ahaan shaqaynaya oo samaynaya intii karaankiisa ah, haddii ay dunidu aqoonsan tahay iyo in kale..”

Nagy wuxuu sheegay in Weftiga Maraykanka ahi ay bilow u yihiin xaqiiqo-raadinta lagu samaynayo Xaaladaha Somaliland “Waftiga Maraykanka ee booqday Somaliland waa bilow wanaagsan oo dhanka xaqiiqada ah..” ayuu yidhi.

COMMENTS
LINKS