Dawladda Maraykanka Oo Wefti Culus U Soo Dirtay Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Maraykanka Oo Wefti Culus U Soo Dirtay Somaliland
December 12, 2021 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaale)-Wefti culus oo ka socda Aqalka Congress-ka Maraykanka, ayaa Isniinta Berri socdaal ku imanaya Somaliland.

Weftigan oo ka socda Aqalka Congress-ka Maraykanka, ayaa la kulmi doona Madaxda kala duwan ee Somaliland, waxayna safarro ku soo mari doonaan degaanno ka mid ah Gobollada Somaliland.

Weftiga Maraykanka ee dalka ku soo waajahan, ayaaa waxa xaqiijiyey Dr. Al Khalafalla oo ah khabiir ku takhasusay siyaasadda guud isla-markaana khibrad gaar ah u leh dalalka Bariga Dhexe iyo Afrika, sidoo kalena ahna Madaxa La-talinta Caalamiga ah ee Maraykanka iyo Guddoomiyaha Guddiga kulamada  Caalamiga ah Agaasinta ee Magaciisu yahay ‘Humpty Dumpty (HDI), sidoo kalena Madax ka ah Hay’ad xidhiidh dhaw la leh aqalka Congress-ka Mareykanka, kaasi oo xubno ka mid ahi Somaliland ku soo waajahan yihiin.

Dr. Al khaliifalla oo Hordhac u ah Weftiga ka socda Maraykanka isla-markaana Hargeysa ku sugan, ayaa qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka wuxuu ku sheegay Inuu la kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne ku-xigeenka Saylici iyo Wasiirka Arrimaha dibedda Dr. Ciise Kayd Maxamuud.

Dr. Al khaliifalla, ayaa sheegay Weftiga Maraykanka ka socdaa ay Madaxda Somaliland la yeelan doonaan Shir ay soo qaban-qaabisay Hay’adda uu isagu Madaxda ka yahay ee Magaceeda loo soo gaabiyo HDI.

Weftiga oo daba socda War-bixin soo jeedin ahayd oo Mac-hadka ‘The Heritage Foundation’ ee Fadhigiisu yahay Washington ka qortay Somaliland, ayaa qorshuhu yahay inay dalka soo gaadhaan Isniinta Berri.

The Heritage Foundation, ayaa xilligaa soo jeediyey in Maraykanku aqoonsado, taasi ka horna uu Aqalka Congress-ka Maraykanku uu Xildhibaano xaqiiqo-raadin ah u diro Somaliland, si ay ula soo kulmaan Madaxda Dawladda Somaliland, isla-markaana soo qiimeeyaan Xaaladaha dhaqan-dhaqaale ee dalka.

Xildhibaannada Maraykanka ah, ayaa marka ay yimaaddaan Hargeysa, ka dib waxay Gole-weynaha Congress-ka hor-dhigi doonaan waxay ku arkaan Somaliland, intaas wixii ka dambeeyana waxa la aasaasi doonaa Guddi isku-dhaf ah oo ka kooban Xildhibaano Congress-ka ka mid ah, saraakiil ka mid ah Waaxda fulinta ee Dawladda Maraykanka iyo Siyaasiyiin ka mid ah Hay’adaha Madaxa-banaan ee daneeya arrimaha Somaliland, kuwaasi oo talo ka geysan doona qadiyadda aqoonsi-raadinta Somaliland, talooyinkaasi oo ku go’aan qaadan doonto Xukuumadda haysa Talada Maraykanka ee Madaxweyne Joe Biden uu hoggaamiyo.

Wixii intaa ka dambeeya, Tallaabooyinka u banaan Dawladda Maraykanka ee ku aaddan Somaliland ee ku jiray soo jeedintii ‘The Heritage Foundation’ ayaa waxa ka mid ah in Dawladaha ay isku aragtida yihiin inay ku cadaadiso inay Somaliland ula Macaamilaan sida Dawlad Madax-banaan oo kale, laakiin qorsheyaasha Maraykanka ee salka ku haya danihiisa la xidhiidha Somaliland, ayaa intaa aad uga badan.

Dhaqdhaqaaqyada Maraykanka ee ku waajahan Somaliland, ayaa waxa dabada riixaya Damaca Shiinaha ee Afrika, kaasi oo xilligan si gaar ah Somaliland culays ugu saaraya inay ka noqoto xidhiidhka ay la samaysatay Taiwan oo ah Jasiirad ka mid ahaan jirtay Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.

Taiwan oo aqoonsatay Madax-banaanida Somaliland, xafiis diblumaasiyadeedna ku leh Hargeysa, ayaa saaxiib la’ ah Maraykanka, kaasi oo laftiisu xilligan doonaya inuu ilaashado danahiisa Geeska Afrika oo Shiinuhu faro-baas ku hayo.’

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

COMMENTS
LINKS