DAAWO;-Xamaaliinta Kastamka Kalabaydh Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Miisaan Wasaarada Maaliyadu Keentay Oo Meesha Ka Saaraya Shaqadooda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Xamaaliinta Kastamka Kalabaydh Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Miisaan Wasaarada Maaliyadu Keentay Oo Meesha Ka Saaraya Shaqadooda.
December 30, 2021 - Written by Editor:

KALABAYDH(W,N)-Xamaaliinta muruq maalka ah ee ka hawlgala kastamka Cashuuraha Jaadka ee magaalada kalabaydh ee gobolka gabiley ayaa cabasho xoogan ka muujiyay miisaan wasaarada maaliyadu keentay kastamka oo meesha ka saaraya shaqada xamaalistooda jaadka taasi oo ay kala soo bixi jireen nolol maalmoodkooda iyagoo kastamka ka xamaalayay mudo sano ah/

Sidoo kale xamaaliinta kastamka kalabaydh oo kor udhaafaya 40qof ayaan wasaarada maaliyada meel saarin shaqadoodii oo ay hada la wareegayso shirkad gaar loo leeyahay ooo wasaaradu siisay in ay kastamka kalabaydh ku rikibto miisaan gaadhiga qaadka sida lagu miisaamayo kaasi oo meesha ka saraaya shaqadii muwaadiniinta reer Somaliland ee deegaanka kalabaydh.

Dhanka kale xamaaliinta ayaa Baaq culus udiray xukuumada madaxwayne iyagoo sheegay in 30sano ee ay kastamka ka xaamalayeen aanay cidi xuquuq iyo xaq siinin xataa cidii kaga dhimatay iyagoo madaxwaynaha ugu baaqay in arintooda si deg deg ah wax looga qabto

HALKANKA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS