|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Suldaanka Guud Ee Beesha Subeer Awal Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Hadhimo Sharafeed Loogu Sameeyay Magaalada Burco.
December 4, 2021 - Written by Editor:BURCO(W,N)-Suldaanka Guud ee beesha habar awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan iyo wafti uu hogaaminayo oo ku sugan magaalo madaxda gobolka Togdheer ee burco ayaa xubno katirsan beelaha garxajis hadhimo sharafeed ugu sameeyeen duleedka magaalada burco taasi oo ay kazoo qaybgaleen madaxdhaqameed ,siyaasiyiin iyo mujaahidiin ka kala tirsan beelaha habar awal iyo garxajis.
Munaasibada hadhimo sharafeedka ayaa laga jeediyay hadalo iskugu jira soo dhawayn iyo kaftan siyaasadeed oo la xidhiidha doorashada madaxtooyada ee soo socota iyo damaca beesha garxajis ee hanashada kursiga madaxwaynenimo ee dalka. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
Related posts:Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-Galay Xuska Sannad-Guurada 27aad Ee Aas-Aaska Ciidanka Qaranka Js... Booliska Dalka Israa'iil Oo Sheegay In Ra'iisul-Wasaare Benjamin Netanyahu Maxkamad Lasoo Taagi Doo... Hal Qof ayaa ku Dhintay Tiro Kalena Wey ku Dhaawacantey Kadib Markii Mudaharaad Balaadhani ka Dhacey... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|