|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidanka Dab Damiska Magaalada Berbera Oo Damiyay Dab Ka Kacay Midka Mid Ah Hangarada Shirkada Oomaar Company.
December 19, 2021 - Written by Editor:BERBERA(W,N)-Ciidanka Dab-demiska Magaalada Berbera ayaa maanta damiyay dab qabsaday mid ka mida hangarada kaydka ee shirkadda Oomaar company ee magaalada berbera. Ciidanka ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab weyn oo ka kacay goobtaas oo ay yaaleen alaabo badan oo sahlayay in dabku sii fido, ciidamada ayaa dabkaas ku xakameeyay halkii ay ku gaadheen waxaanay badbaadiyeen hanti badan oo hangarkaa taalay.
Hawlgalkan waxaa goobjoog ahaa Ciidanka Booliska, sidoo kale waxaa Masuuliyiintii hangarku u mahadnaqeen ciidanka Dab-demiska Berbera oo gurmad degdeg ah la soo gaadhay.
Related posts:Wasiir Sacad Cali Shire Oo Soo Bandhigay Laba Qodob Oo Xukuumada Somaliland Ku Taageertay Xulufada S... Taliyaha Ciidanka Booliska Jsl Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Askari Lagu Diley Magaalada... Taliska Ciidanka Booliska Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Dhaliilo Xisbiga Wadani Ka Sheegay Xaalada Xabs... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|