Ciidanka Dab Damiska Caasimada Hargaysa Oo Soo Samato Bixiyay Ilma Yar Oo Qol kusoo Xidhmay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Dab Damiska Caasimada Hargaysa Oo Soo Samato Bixiyay Ilma Yar Oo Qol kusoo Xidhmay!
December 21, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Ilmo yar oo Ciidanka Dab-demisku Guri ka soo samatabixiyeen agagaarka hotel Summertime ee magaalada Hargeysa.

Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ayaa maanta Badbaadiyay Ilmo yar oo Qol ku soo xidhmay agagaarka hotel Summertime . Dadweynaha ayaa soo wacay lambarka gurmadka ee 990 , waxaanay ciidanku soo badbaadiyeen Ilmahaa yar oo isku soo xidhay Qol ka mida hoyga ay degenaayeen.

Ciidanka oo adeegsanaya Qalabka samatabixinta iyo badbaadada ayaa ku guuleystay inay Ilmahaa yar oo bad qabta soo samatabixiyaan.

Waalidkii Ilmahaa yar dhalay ayaa iyaguna dhankooda u mahadnaqay ciidamada dab-demiska sida degdega ah ee ay ugu soo gurmadeen markii ay dalbadeen.

Todobaadkan ayaa dhacdo tanoo kale ah Ciidanka Dabdemisku ilmo yar guri ka soo badbaadiyeen guri uu isku xidhay, waxaanuu Ciidanka Dab-demisku waalidiinta iyo guud ahaan muwaadiniinta Somaliland ku wacyigelinayaa inay ka warhayaan caruurtooda, sidoo kale ka feejignaadaan in caruurta guryaha dusha lagaga xidho, taasoo caruurtu sabab u noqon karaan dab ka kaca guriga.

COMMENTS
LINKS