Badhasaabka Gobolka Gabiley Oo Kormeer Ku Tagay Magaalo Ganacsiyeedka Tog Wajaale Iyo Maamulka Degmada Oo Soo Dhawayn Diiran Ku Qaabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Badhasaabka Gobolka Gabiley Oo Kormeer Ku Tagay Magaalo Ganacsiyeedka Tog Wajaale Iyo Maamulka Degmada Oo Soo Dhawayn Diiran Ku Qaabiley.
December 20, 2021 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)-Badhasaabka gobolka Gabiley Cabdiqani Maxamuud Jiidhe iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta kormeerkiisii ugu horeeyay ku tagay magaalo ganacsiyeedka tog wajaale.

Maamulka degmada tog wajaale iyo dadwayne tiro badan ayaa soo dhawayn balaadhan ku qaabiley badhasaabka gobolka gabiley iyo waftigan uu hogaaminayo oo ay kamid ahaa xildhibaano katirsan golaha deegaanka gabiley.

Sidoo kale badhasaabka gobolka gabiley ayaa soo kormeeray xarunta ciidanka dabdamiska wajaale iyo goobo kale oo muhiim ah

Dhanka kale maamulka degmada wajaale iyo waxgarad ka hadlay soo dhawaynta badhasaabka ayaa madashaasi ka jeediyay hadalo soo dhawayn ah.

Ugu danbaysa badhasaabka gobolka gabiley ayaa ka hadlay ujeedada kormeerka uu ku tagay wajaale isagoo hore kormeer shaqo ugu tagay degmooyinka gobolka gabiley hoos yimaada sida Degmada Allaybaday,geedhbalaadh iyo Agabar.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS