Badhasaabka Gobolka Gabiley Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Kormeer Ku Tagay Deegaanka Dhagax Guure Ee Degmada Arabsiyo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Badhasaabka Gobolka Gabiley Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Kormeer Ku Tagay Deegaanka Dhagax Guure Ee Degmada Arabsiyo.
December 23, 2021 - Written by Editor:

ARABSIYO(W,N)-Badhasaabka gobolka  Gabiley Cabdiqani Maxamuud Jiidhe iyo wafti uu hogaaminayo ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanka dhagax guure oo katirsan degmada arabsiyo ee gobolka gabiley

Waftigan uu horkacayo badhasaabka gobolka gabiley ee booqday deegaanka  dhagax guure ayaa waxaa kormeerkan ku weheliya badhasaab kuxigeenka gobolka,xildhibaano katirsan golaha deegaanka gabiley iyo gudoomiyaha degmada arabsiyo ayaa ujeedadan kormeerkoodu ahaa ukuur galida iyo xogogaal unoqoshada deegaanada gobolka hoos yimaada.

Sidoo kale masuuliyiinta ayaa sheegay in deegaanka dhgax guure katirsan yahay degmada arabsiyo ee gobolka gabiley kaasi oo masuuliyiin xukuumada katirsan hore usheegeen in uu katirsan gobolka maroodi jeex,

Deegaanka dhagax guure ayaa ah deegaan leh ataar qadiimiya kaasi oo wasaarada macdanta yo tamartu hore uga bilowday baadhitaanka dhinac macdanta.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS