|
|||||
WAJAALE NEWS
Aragtidii Abiy Ahmed Ee Ciidamaynta Geeska Africa Ee Dawladaha Shisheeye Ma Waxbaa Iska Badelay?
December 13, 2021 - Written by Editor:Ra,iisal wasaaraha dalka Ethiopia ayaa aaminsanaa in gobolka Geeska Africa oo ay ku yaalaan ilaa toddoba saldhig military oo ay leeyihiin dawladaha shisheeye in ay khatar ku yihiin gobolka. Waxa uu hore u cambaareeyey saldhigyada dawladaha shisheeye ee ku soo badanaya gobolka , waxaana hadalkiisii ka mid ahaa ma doonayno in gobolkani noqdo garoon dagaal ( Battle field ) lagu dagaalamo oo ay ka jiraan saldhigyo ciidamo shisheeye. Xiligaasi oo uu dardar iyo niyadsamidii aragtidii isku-furanka Geeska Africa ee uu waday uu ku jiray ayaa waxa uu baaq dheer ku yidhi dadkayagu waxa ay u baahan yihiin nolol , nabadgalyo iyo xasilooni maadaama uu gobolkani la ildaran yahay barakac , macaluul ,dagaalo sokeeye , dagaalo argagixiso iyo afkaaro siyaasadeed oo gaboobay oo wata qoqob. Waxa aad loo hadal hayaa in dagaalkii uu hadda kula jiray ciidamadii huwanta ahaa ee jabhada oromada iyo xooga difaaca Tigray in looga soo gurmaday saldhigyada military ee ku yaalla Gobolka Geeska Africa qaar ka mid ah , sidoo kale lagu caawiyey diyaaradaha dagaalka , kuwa wax basaasa iyo hub casri ah oo uu ka helay dawladaha khaleejka , Turkey iyo Iran walow aan lahayn war rasmi ah. Waxa aragtidan sii xoojisay markii saldhigga ciidamada ee uu ku leeyahay dalka Turkey Somalia uu dalbaday diyaaradaha is wada oo la sheegay in lagu caawiyey ciidamada Turkeygu u tababaray jamhuuriyada federaalka soomaaliya , arimahani ayaa ah qaar aad u xasaasi ah xili gobolkani ay soo waajaheen xaalado dagaalo iyo colaadeed oo uu weheliyo dagaalkii lagula jiray argagixisadu. Dhinaca kale waxa aad moodaa in uu mar labaad hanqalka la soo kacay heshiiskii sadex geesoodka ahaa ee ay wada galeen dawladaha Abiy Ahmed, Afawerki iyo Farmaajo oo xaalad aan wanaagsanayn ku ahaa Gobolka Geeska Africa maadaama oo aanu jirin cadaw la isku baheystaa iyo ujeedooyin qasbaya in xulafooyin noocan ahi xiligaasi ka sameysmaan Gobolka Geeska Africa. QALINKII; FALANQEEYA Mohamed Abdi Jama (M. Dhimbiil) Related posts:Shirka Golaha Wasiirradda Somaliland oo Lagaga Dooday Arrinta Saami-Qaybsiga Wakiillada iyo Diyaar-G... Ma dhab-baa in Xukuumadda Somaliland Qayb ka Tahay Daraasad Qarsoodi ah oo laysugu soo Dhawaynayo Wa... Yaa lahaa masuuliyada baaqashada kulankii la filaayey inuu xalay Qasriga Madaxtooyada ku dhexmaro Ma... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|