Aqoonyahan Maxamed Biixi Yoonis Oo Ka Warbixiyay Qodobada lagaga Hadlay Shirka Heritage Iyo Waxyaabaha Wadamada Geeska Baran Karaan Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aqoonyahan Maxamed Biixi Yoonis Oo Ka Warbixiyay Qodobada lagaga Hadlay Shirka Heritage Iyo Waxyaabaha Wadamada Geeska Baran Karaan Somaliland!
December 14, 2021 - Written by Editor:

JABUUTI(W,N)-Wasiirkii hore ee wasaarada arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo magaca Somaliland kaga qaybgalay shirka madasha wadaaga oo ay soo qab qaabisay Hertige lagu qabtay dalka jabuuti ayaa ka warbixiay qodobadii laga hadlay shirka oo diirada lagu saarayay xaalada nabadgalyo ee wadamada geeska Africa.

Sidoo kale Aqoonyahan Maxamed biixi yoonis ayaa sheegay in qodobadii shirka lagaga hadlay ay mis qiyaas noqotay talaabooyinka dimuqraadiyada ay ku talaabsatay Somaliland oo utaale u ah geeska kuwaasi oo waxyaabo badan laga baran karo sida ay uxalisay arimaheeda

Dhanka kale aqoonyahan maxamed biixi yoonis oo ka hadlay qodobadii shirka diirada lagu saaray ayaa sheegay in laysla qaatay in aanay xabadu xal ahayn ismarkaana wadamada geeska looga bahan yahay in aanay xalka ka dayin xabad dhibaato ku keenaysa bulshooyinka wada degan dalalkan iyadoo arimaha itoobiya ka socdana lagaga hadlay shirkan.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS