Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Xeerka Dhaqan Galanka Ah Ee Furista Ururada Ee Uu Madaxwaynuhu Sheegay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Xeerka Dhaqan Galanka Ah Ee Furista Ururada Ee Uu Madaxwaynuhu Sheegay!
December 24, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Afhayeenka xisbi xaakimka kulmiye Cabdinaasir Buuni ayaa qoraal uu ku faafiyay facebookga wuxuu faah faahin dheeraada kaga bixiyay xeerka furista ururada ee lagu marunsan yahay hadalkii madaxwaynaha ee ahaa xeer14 waa dhaqangal madaxwaynuhuna uu sexeexay ka uyahay ka madaxwaynuhu sexeexay.

Qoraal Afhayeen Buuni ayaa Udhignaa Sidan;

Xeerka uu Madaxweynaha JSL Somaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu shalay sheegay inay golayaashu ansixiyeen Madaxweynuhuna saxeexay waa Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda, ee Xeer Lr.14-2011, oo ah xeerka hadda dhaqan galka ah, Madaxweynaha Saxeexayna waa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxmuud (Siilaanyo).

Xeerkaasina waa xeerka ay ku soo bexeen xisbiyada hadda jira sannadkii 2012,

Xeerkaasina waxa uu caddaynayaa in Mudada liisanka ee xisbiyada qaranku ay tahay toban (10) sano oo ka bilaabma taariikhda liisanka la siiyay. Sidoo kale xeerkaasi waxa uu caddaynayaa in Tobankii (10) sannadoodba mar la furayo Ururada Siyaasadda, iyadoo Urur Siyaasadeedyada la furayo 6 (lix) bilood ka hor mudada dhammaadka liisanka xisbiyada.

Meesha kaliya ee ay ku kala duwan yhiin xeerkan iyo kan wax-ka bedelka lagu sameeyay ee hadda golaha wakiilada dib loogu celiayay waa in Ruqsadda xisbinimo lagu helayo ka qayb-galka doorasho toos ah,

halka markii hore lagu helayay ka qaby-galka doorashada Golayaasha Degaanka. Laakiin mudada liisanka xisbiyada ee tobanka (10) sano iyo furista Urur Siyaasadeedyada la furayo 6 (lix) bilood ka hor maalinta liisanku ka dhacayo waa iskaga mid oo mar kasta mudada liisanku waa 10 sano, waana in la furo 6 bilaad ka hor mudada uu ka dhacayo si loo helo liisan sax ah oo aan mudadu ka dhicin oo doorasgada lagu galo.

Hadaba waxan leehay cidda dawakhday waa Guddoomiyaha xisbiga Wadani  Xirsi  oo furista ururadu ay ku noqotay mawtul-qafle siyasadeed

Bal waxan waydiinayaa xirsi liisanka xisbiyada ee doorashada madaxweynaha lagu galayaa waa tee? Miyaanu xeerku caddaynin in la furo ururada siyaasada 6 bilood ka hor mudada uu liisanku ka dhacayo si loo helo xisbiyo haysta shahaado sax ah oo aanu waqtigu ka dhicin?

Taasina aanay ku beegnayn bisha shanaad oo aanay ka soo horraynayn doorashadii madaxtooyada?

Haddii bilaa liisan lagu galayo maxaa Xisbigii waynaa ee UDUB u sii jiri waayay 10 sano ka dib?

Haddii doorashada tooska ah ee ururada siyaasadda la qaban waayo lix bilood ka hor mudada liisanku ka dhacayo oo ah 26/12/2022, saw ma noqonayso in doorashada dambe ee golayaasha degaanka lala sugo, oo ah inay sadexdan xisbi sii jiraan 10 sanno oo dambe?

Taasina ayna meesha ka saarayn xuquuqdii dastuuriga ahayd ee ah in muwaadiniintu xaq u leeyihiin inay ka qayb-qaataan arrimaha siyaadda?

Waxa Qoray Afhayeen Abdinaazir Buuni

COMMENTS
LINKS