Abiy Ahmed Oo Wada Hadal Khadka Telefonka Layeeshay Ra’iisul-wasaaraha Dalka Canada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abiy Ahmed Oo Wada Hadal Khadka Telefonka Layeeshay Ra’iisul-wasaaraha Dalka Canada.
December 10, 2021 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W,N)-Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed Iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa waxaa ay yeesheen wada-hadallo Khadka taleefoonka ah, Kaasi oo ay  kaga wada hadleen xaalada gobolka gaar ahaan xiisada Dagaal Ee waqooyiga Itoobiya ka taagan, una dhaxaysa dawlada iyo jabhada Tplf.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada ayaa dhiggiisa Itoobiya ka codsaday in xal loo helo colaada ka aloosan Waqooyiga Itoobiya taasi oo sababtay dhimashada iyo barakac Kumanaan Ruux Ah,

Dr Abiye Axmed ayaa si toosa u bilaabay inuu iska dhiso xidhiidhada Arimaha dibada kadib markuu ka soo noqday furinta dagaal oo maalmihii lasoo dhaafay uu qeyb ka ahaa howlgalka ka dhanka ahaa Kooxda TPLF, dawladiisu dib uga qabsatay magaalooyin badan oo tplf gacanta ku dhigtay ismarkaana ay dib uga saartay dawladu aagagii ay haysteen.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

 

COMMENTS
LINKS