“Waxaan Jabuuti Kusoo Arkay Waftiyo Xukuumada Somaliland Socda, Oo Halkaasi Faakahaysi Utagay, Waana Nasiib Daro”Xisbiga Ucid. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaan Jabuuti Kusoo Arkay Waftiyo Xukuumada Somaliland Socda, Oo Halkaasi Faakahaysi Utagay, Waana Nasiib Daro”Xisbiga Ucid.
November 25, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga daryeelka Iyo cadaalada Ee Ucid Yuusuf Kayse ayaa ka warbixiyay safar uu kusoo maray dalalka jabuuti iyo itoobiya iyo waxyaabaha uu kusoo arkay.

xoghayaha warfaafinta ee xisbig Ucid ayaa isbarbar dhigay qiimaha shidaalka ee itoobiya ka Somaliland farqiqa udhexeeya taasi oo uu xusay sida itoobiya uga shidaal jaban tahay Somaliland taasi oo u tilmaamay masiibo maamul xumo oo ku habsatay Somaliland oo badle.

Sidoo kale Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Ucid ayaa wax laga xumaado iyo fajac ku tilmaamay in masuuliyiin xisbiga xaakimka kulmiye ay baraha soo dhigeen iyagoo farta malab daraya xili bulshadeenu la tacaalayso kor ukaca miciishada

Dhanka kale xoghayaha xisbiga ucid ayaa ka waramay wsiiro xukumada somailand katirsan oo safar faakahaysi ah ku joogay dalka jabuuti ismarkaana aan waxba ka baran sida ay ushaqaynayaan wasiirada dalka jabuuti halka ayaandaro ku tilmaamay in aan shirarka golaha wasiirada ee khamiis kasta shira aan lagu soo qaadin sidii bulshada ay ugu raadin lahaayeen shidaal jaban iyo qorshe lagaga hortagaya sixir bararka.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS