|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Ganacsiga Oo Ku Fashilmay Shaqadii Uu Qaranka Uyahay, Iyo Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Ugu Baaqay In Uu Iska Casilo Xilka.
November 3, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Maxamuud Sacad Saajin ayaa gabi ahaanba ku fashilmay waxka Qabashada kor ukaca qiimaha shidaal, isagoo ganacsatada iyo Xisbiyada mucaaridka ah ee ka hadlana uu hanjabaad iyo Waxba kama qaban karno usoo marinayo warbaahinta. Garyaqaan Guuleed Dafac oo kamid ah qareenada Somaliland Ayaa wasiirka wasaarada ganacsiga ugu Baaqay in uu iska casilo xilka madaama uu ku fashilmay waxka qabashada kor ukaca Shidaalka ismarkaana Uu cadeeyay in aanu waxba ka Qaban Karin Garyaqaan Guuled Dafac Oo qoraal uu kaga hadlay Wasiirka Ganacsiga ku baahiyay Barta Uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada Ee Facebookga ayaa udhignaa Sidan; “Wasiirka Ganacsiga ee Somaliland inuu is casilo ayaa haboon, Wax waliba kor ayay u socdaan, jawaabta keliya ee uu hayo waa waxba kama qaban karno. Cid wax ka qaban karta in loo magacaabo Wasaaradda weeye. Maceeshadda iyo shidaalku waa u daruuri nolosha dadka oo maaha luxury kaftan iyo dheel dheel gala. Haddii qiimaha cuntadu kor u kacdo saw ma gaadhi karto meel hallis ah oo dadka qaar inay gaajo u dhintaan ma sababi karto. Waa masuuliyad culus.” Waxa Qoray; Garyaqaan Guuleed Dafac COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|