Warbixinta Ugu Dambaysa Ee Goob-joogayaashii Caalamiga Ahaa Ee Doorashooyinkii Baarlamaanka Iyo Dawladaha Hoose Ee Somaliland Oo Caawa Lasoo Bandhigayo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixinta Ugu Dambaysa Ee Goob-joogayaashii Caalamiga Ahaa Ee Doorashooyinkii Baarlamaanka Iyo Dawladaha Hoose Ee Somaliland Oo Caawa Lasoo Bandhigayo!
November 1, 2021 - Written by Editor:

War-Saxaafadeed;- Goob-joogayaasha Caalamiga ah Ee Madaxa Bannaan ee Kormeerayay  Doorashadii  Baarlamaanka  iyo  Dawladaha  Hoose ee 31 kii May 2021 Ayaa Daah-furay Warbixintii Ugu Dambaysay 

Doorashadu waxa ay calaamad Muhiim ah u noqotay dimuqraadiyadda Somaliland: Ka  dib  dib  u  dhacyo  ku  yimid  labada  doorasho,  waxa  ay  noqotay  markii  ugu horraysay ee doorashooyinka Baarlamaan iyo Dawladaha hoose isku mar la qabtay.

Professor  Michael  Walls  oo  ka  tirsan  Qaybta  Qorshaynta  Horumarka,  ahna  Madaxa Goob-joogayaasha Caalamiga ah ayaa yidhi:

“Iyada oo doorashooyinkaasi ay u taagan yihiin horumar dimuqraaddiyadeed, haddana  waxa  la  qabtay  11  sannadood  ka  dib  wakhtigii  loo  qorsheeyay  in  ay

dhamaato  muddada  Baarlamaanku,  iyo  weliba  saddex  sannadood  ka  dib  markii  ay  dhamaatay  muddadii  golaha  deegaanku.  Waa  war  wanaagsan  in  doorashooyinku  u dhaceen  si  nabadgelyo  ah,  isla  markaana  daneeyayaashu  u  aqoonsadeen  qaar  lagu kalsoon yahay. Si kastaba ha ahaatee, Si ku yar dalalka Afrika, hal qof oo haween ahi  kumay soo bixin Doorashada Baarlamaanka. Tani waa mid dhaawac ku ah Dimuqraadiyadda, weliba ah tallaabo dib loo qaaday marka loo Eego doorashooyinkii hore,  iyada  oo  marka  horeba  ay  yarayd  heerka  metelaadda  haweenku.  Iyada  oo  ay tahay  Wax  loo  dabbaaldego  in  Somaliland  ay  sii  waddo  qabashada  doorashooyinka, haddana  waxa  la  gaadhay  xilligii  laga  Baaraandegi  lahaa  in  la  helo  dariiqyo  lagu adkeeyo  hab-raacyada  jira  ee  doorashada  soo  socota,  taas  oo  la  Filayo  in  ay  qabsoonto Sannadka 2022 iyo kuwa ka sii Dambeeyaba”.

Doorashooyinka oo ku qabsoomay xaalado adag oo lagu jiray safmarka Covid-19 iyo Xeerka  Guud  ee  Doorashooyinka  Somaliland  iyo  Diiwaangelinta  cod  bixiyayaasha ayaa  u  taagnaa  horumar  laga  gaadhay  jidka  doorashooyinka  Somaliland.  Waxa  jiray waxyaalo  badan  oo  wanaagsan  sida  doorashada  mid  ka  mid  ah  “Beelaha  laga  tirada badan yahay” oo loo doortay Baarlamaanka, horumarin lagu sameeyay xeerka doorashooyinka qaranka (marka laga tago in ay weli jiraan wax badan oo loo daayay in ay go’aan ka gaadhaan madaxda doorashooyinka iyo siyaasaddu), iyo xaqiiqda ah in tebinta warbaahintu ay guud ahaan ahayd mid loo aqoonsaday in ay ku dheehnayd dhexdhexaadnimo iyo masuuliyad. Waxa sidoo kele muhiim ah in maalintii doorashada  iyo  intii  ka  dambaysayba  ay  ku  dhamaatay  si  Nabadgelyo  ah,  iyada  oo weliba  dadweynaha  reer  Somaliland  ay  mar  kele  u  soo  baxeen  iyaga  oo  u  hammuun qaba in ay codeeyaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxa kale oo jira qaybo ka mid ah Hannaanka doorashada oo u baahan in la tayeeyo amma la Horumariyo si loo hanto halbeegga caalamiga ah. Gaar ahaan hannaanka diiwaangelinta codbixiyuhu waa mid adag oo xaddidaya codbixiyayaasha,  mar  haddii  aanuu  jirin  tirokoob  rasmi  ahina,  ma  qeexayo  qiyaas sugan oo sheegaysa codbixiyayaasha isu-diiwaangeliyay inay codkooda dhiibtaan.  Intaas waxa sii dheer, Goobjoogayaasha Caalamiga ahi waxa ay ku baaqayaan saddex is beddel: in wax laga beddelo nidaamka siyaasadeed ee xaddidaya in saddex xisbi oo keli  ah  loo  oggol  yahay  in  ay  ku  tartamaan  doorashooyinka,  kaas  oo  curyaaminaya metelaadda  dimuqraaddiga  ah;  in  la  helo  shuruuc  ay  hagayaan  reer  Somaliland  oo  xaqiijinaya  metelaadda  siyaasadeed  ee  haweenka;  iyo  in  la  helo  ballan-qaad  kele  oo siyaasadeed  oo  ku  saabsan  jadwalka  dastuuriga  ah  ee  doorashada  lagu  heshiiyay  si doorashooyinka  soo  socda  loogu  qabto  wakhtigii  loogu  talagalay,  meeshana  looga saaro dhaqanka inta badan soo jiray ee dib u dhigista doorashooyinka Somaliland sidii horaba u dhacday.

Warbixinta ugu dambaysa ee Goob-joogayaasha Caalamiga ahi waxa ay sidoo kele soo jeedinaysaa  talooyin  dheeraad  ah,  oo  ay  ka  mid  tahay  kor  u  qaadista  aqoonta  cod bixiyayaasha iyo qarsoonida codaynta, tababar kii hore ka fiican oo la siiyo shaqaalaha  goobaha  cod  bixinta,  iyo  kor  u  qaadista  nidaamka  tirinta  iyo  isu  geynta codadka.

 Fiiro Gaar ah;

Goob-joogayaasha Caalamiga ahi waxa ay warbixinta ugu dambaysa ku daah-furayaan  xaflad  lagu  qabanayo  jaamacadda  UCL  taariikhdu  marka  ay  tahay  1da November  2021.  Xafladda  waxa  toos  looga  baahin  doonaa  bogga  Facebook  ee  facebook.com/LIEOMSomaliland2021.

Goob-joogayaasha  Caalamiga  ah  ee  doorashooyinka  waxa  soo  casuumay  Guddida Doorashooyinka  Qaranka  Somaliland  iyaga  oo  lagu  soo  casuumay  in  ay  yihiin Goob-joogayaal Caalami ah oo madax bannaan si ay goobjoog uga noqdaan hannaanka doorashooyinka.

Goob-joogayaasha waxa maal-geliyay dawladda Ingiriiska,  laakiin  waa  qaar  ka  madax  bannaan,  qaab-dhismeedkooduna  yahay  mid caalami  ah.  Goobjoogayaasha  Caalamiga  ah  waxa  isku  soo  dubbariday  Qaybta Qorshaynta Horumarinta ee Jaamacadda UCL ee ku taalla London.

Goob-joogayaasha  Caalamiga  ahi  waxa  ay  ku  shaqaynayeen  go’aannadii  caalamiga ahaa ee Goob-joognimada Doorashooyinka ee Caalamiga ah ee ay ansixisay Qaramada Midoobay sannadkii 2005 iyo Iyaga oo awoodda saarayay dhexdhexaadnimada goob-joognimo.

Kooxda  Madaxa  bannaan  oo  ka  koobnaa  12  goob-jooge  oo  caalami  ah  kana  kala socday  dalalka  Masar,  Itoobiya,  Faransiiska,  Jarmalka,  New  Zealand,  Afrikada Koonfureed,  Ingiriiska,  Maraykanka  iyo  Saambiya  ayaa  kormeeray  ololihii  iyo  u diyaar garowgii doorashada toddobaadkii ka horreeyay doorashada, maalintii doorashada,  codaynta,  tirinta  codadka  iyo  isu  geynta  natiijada  ee  goobo  ka  mid  ah  Somaliland sida Hargeysa, Berbera, Burco iyo Boorame.

Xidhiidhka Saxaafadda:

rooble.mohamed@somalilandelectionobservation2021.org  (Somaliland)  +252  633 658 649

conrad.heine@somalilandelectionobservation2021.org (international) + 44 7870

642 852 (WhatsApp)

@LIEOMSomaliland

COMMENTS
LINKS