Wararkii Ugu Danbeeyay Xaalada Itoobiya Iyo Raysal-wasaare Abiye Oo Fariin Kasoo Diray Furimaha Hore Ee Dagaalka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii Ugu Danbeeyay Xaalada Itoobiya Iyo Raysal-wasaare Abiye Oo Fariin Kasoo Diray Furimaha Hore Ee Dagaalka!
November 26, 2021 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W,N)-Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu Arkay safka hore furinta dagaalka maalmo ka Dib Markii uu sheegay in uu dagaalka hoggaamin doono.

Dowlada Itoobiya ayaa maanta shaaca ka qaaday tallaabooyin lagu xaddidaya tebinta wararka colaadda xilli lagu soo waramaya in Tigreega ay ku sii dhaw yihiin caasimadda.

Digniin ay dolwadda u dirtay warbaahinta ayaa lagu sheegay in lagu mamnuucay tebinta wararka la xidhiidha dhaqdhaqaaqa milatariga iyo furimaha dagaalka. Waxaa warkaasi la tabin karaa oo kali ah marka ay dowladdu ansixiso.

Warbaahinta dowladda ayaa maanta tustay muuqaalka ra’iisal wasaare Abiy oo ku sugan tuulo ku taalla gobolka Canfarta isagoo ku lebbisan dhar milatari.

Wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda ayuu ku sheegay in ciidammadiisa ay deegaano dhorw ah dib u qabsadeen.

Raysal wasaare Abiye ayaa sheegay in Itoobiyaanku ay u baahan yihiin “inay naftooda u huraan xoreynta dalkooda.”

“Cadowga nalama tartami karaan” ayuu yidhi Abiy.

Dhanka kale dalal badan oo kamid ah kuwo degan caasimada itoobiya ayaa safaaradahoogu soo saareen baaq ay ujeedinayaan muwaadiniintooda.

Baaqa safaaradaha

Dalalka Jarmalka iyo Faransiiska ayaa noqday dalalkii ugu dambeeyay ee muwaadiniintooda kula taliya inay isaga baxaan dalka Itoobiya xilli ay sii xoogeysanayaan dagaallada sokeeye ee dalka ka dhacaya.

Wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa iyaguna dhawaan soo saaray tallooyin ay u jeedinayaan muwaadiniintooda ku sugan dalkaasi oo ku aaddan inay dalkaa isaga baxaan. Maraykanka iyo UK ayaa dhawaan soo saaray talooyin kuwaas la mid ah halka Qaramada Midoobayna ay bilowday daad guraynta shaqaalaha caalamiga iyo qoysaskooda.

Arrintaan ayaa imaanaysa iyadoo xooggaga TPLF ay sheegeen inay ku wajahanyihiin magaalada caasimadda ah ee Adis Ababa.

Colaadda ka socota dalka Itoobiya muddada sanadka ah ayaa horseday xaallado binu aadanimo oo aad u liita oo ka jira gabalka Tigray ee ku yaalla waqooyiga Itoobiya.Kumanaan ruux ayaa la dilay halka malaayiin kalana lagu qasbay inay ka cararaan guryahoodii.

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa ka digay in sii hurinta dagaalka ka socda Itoobiya uu khatar ku yahay horumar kasta oo laga gaaro wada xaajoodka xabad joojinta.

Ka dib booqashadiisii Itoobiya, ayaa Jeffrey Feltman, waxa uu sheegay in Ra’iisal wasaare Abiy Axmed iyo fallaagada TPP ay u muuqdaan kuwo aaminsan in guul militari lagu kala calaf qaado.Mr Feltman ayaa ka digay in haddii fallaagada Tigreegu ay u soo ruqaansadaan caasimadda, Addis Ababa, ay taasi noqon doonto musiibo iyo wax aan la aqbali Karin.

Dalalka dadkooda kula talinaya inay Itoobiya ka baxaan oo soo badanaya

 

COMMENTS
LINKS