|
|||||
WAJAALE NEWS
Turkiga Oo Xabad Joojin Ugu Baaqay Dhinacyada Ku Dagaalamaya Itoobiya.
November 7, 2021 - Written by Editor:Ankara(W,N)-Turkiga ayaa ku baaqay xabad joojin laga dhaqan geliyo dalka Itoobiya, waxaana uu tilmaamay inay diyaar u yihiin inay dhexdhexaadiyaan dhinacyada isku haya dagaalka mudada sannadka ah ka socday, kaasoo hadda kusii siqaya caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa. War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa loogu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Itoobiya in si degdeg ah u joojiyaan dagaalka si loo helo nabad iyo xasillooni. Maamulka Recep Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dhex dhexaadiyaan dowladda Federaalka iyo kooxda TPLF. Baaqan ayaa imanaya xilli dalal ay ka mid yihiin US,UK iyo Belgium ay ku baaqeen xabad joojin, Turkiga ayaa ku baaqay xabad joojin laga dhaqan geliyo dalka Itoobiya, waxaana uu tilmaamay inay diyaar u yihiin inay dhexdhexaadiyaan dhinacyada isku haya dagaalka mudada sanadka ah ka socday, kaasoo hadda kusii siqaya caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa. Dhanka kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii ku baaqay in la joojiyo dagaalka iyo in laga fogaado hadalada xanafta leh ee nacaybka ah iyo hurin colaadaha iyo kala qaybinta. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa 7 milyan oo qof oo ku nool gobolada Itoobiya ee Tigreega, Axmaarada iyo Canfarta ay u baahan yihiin gargaar, kuwaas oo ay ku jiraan 5 milyan oo qof oo ku nool Tigray halkaas oo ilaa 400,000 oo qof lagu qiyaasay inay la nool yihiin xaalado macluul oo kale ah. Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ayaa Jimcihii diray codsi ay u direen askartii hore si ay u soo laabtaan si ay u xoojiyaan difaacyada ka dhanka ah Ciidamada Difaaca Tigray (TDF). Baaqa ayaa si kastaba ha ahaatee ku salaysan shuruud ah in ciidamada cusub ee loo soo dirayo dalka ay ‘aqoonsadaan oo ay aqbalaan dastuurka jamhuuriyadda dimuqraadiga federaalka Itoobiya oo ay aaminsan yihiin madax-banaanida iyo midnimada shacabka oo ay diyaar u yihiin in ay si adag ugu adeegaan. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|