Siyaasi Abiib Diiriye Oo Sharaxay Sobobta Siyaasiyiinta Reer Gabiley Uyaalan Waayeen Han Madaxwayne Iyo Caqabada Haysata Ganacsatada Kasoo jeeda Gabiley! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Abiib Diiriye Oo Sharaxay Sobobta Siyaasiyiinta Reer Gabiley Uyaalan Waayeen Han Madaxwayne Iyo Caqabada Haysata Ganacsatada Kasoo jeeda Gabiley!
November 10, 2021 - Written by Editor:

“Anagu Hadaanu Nahay Jibriil Abokor Maalqabeenayadu Way Hor Socdaan Xoolahooga” Siyaasi Abiib Timacad.

“Maanta Lama Waayin Nin Jibriil Abokor Oo yidhaa Madaxwayne Ayaan Doonayaa Ama Han Yeesha, balse Wuxuu udhiiran laaya,ay Ganacsatadii Taageeri Lahayd Ayaa Xoolahoogii Hor Socda, Ilayn Dadka Ganacsatadooda Ayaa Dhistee”Siyaasi Abiib Diiriye.

GABILEY(W,N)-Siyaasi Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) oo Kamid ah masuuliyiinta sar sare ee xisbiga Mucaaridka ee Wadani oo maalintii shalay ka hadlayay munaasibad xisbiga Wadani kusoo dhawayanayay Dhalinyaro Reer gabiley ah oo Xisbiga kusoo biirtay ayaa bulshada reer gabiley ugu baaqay in Aanay Mar danbe fartooda eedin ismarkaana ay codkooda ku Hubsadaan xisbiga wadani.

Sidoo Kale siyaasi abiib diiriye ayaa ka jawaabay su,aal Uu hore Cabdiqaadir jirde uwaydiiyay reer gabiley oo Ahayd maxaad han madaxwayne uyeelan waydeen reer gabiloow hanta iyo tiraba waad haysaane”

Siyaasi Abiib Timacad ayaa sharaxay sobobta reer gabiley Ay han madaxwayne  uyeelan waayeen iyo dhibta haysata Ganacsata Reer gabiley oo uu sheegay in aanay xoolaha ay haystaan ay hor socdaan ayna kamid tahay arimaha ay siyaasiyiinta reer gabiley han uyeelan waayeen,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS