Shirkada Isku Socodka Dadka Iyo Alaabooyinka Ee Super Transportation Oo Xafiis Cusub Ka Furatay Magaalada Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkada Isku Socodka Dadka Iyo Alaabooyinka Ee Super Transportation Oo Xafiis Cusub Ka Furatay Magaalada Gabiley.
November 22, 2021 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Maayarka magaalada gabiley ayaa xadhiga ka jaray xafiis cusub oo maagaalda gabiley ay ka furatay shirkada Dadka Iyo alaabooyinka ee Super Transportation and logistics.

Xadhig ka jarka xafiiska shirkada isku socodka dadka iyo alaabooyinka ayaa waxaa kazoo qaybgalay maamulka shirkada madaxdhaqameed iyo masuuliyiin kale kuwaasi oo soo dhaweeyay xafiiskan ay shirkadu ka furatay gabiley adeegyada ay soo kordhisay.

Dhanka kale Gudoomiyaha shirkada Maxamud Awciise Iyo masuuliyinta oo katirsan shirkada isku socodka dadka iyo alaabooyinka ayaa faah faahiyay adeegyada ay macaamiishoodu ka heli doonaan iyadoo qaab casriya loo dalbanayo adeegyada ay bixiso shirkadu.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

 

COMMENTS
LINKS