Musharax Cabdiraxmaan Cirro Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Hadal Uu Madaxwayne Biixi Ku Weeraray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Musharax Cabdiraxmaan Cirro Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Hadal Uu Madaxwayne Biixi Ku Weeraray.
November 21, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Musharaxa madaxwayne ee xisbiga wadani Cabdiraxmaan Maxamed cabdilaahi ciro oo dalka dibadiisa ku qabaan jawaab kulul ka bixiyay hadalo madaxwayne biixi maalintii shalay ku weeraray xili uu ka hadlayay xadhig ka jarka madaarka berbera.

Musharax cabdiraxmaan cirro ayaa qoraal uu kaga jabwaabayo hadal madaxwaynaha ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada wuxuna udhignaa Sidan;

HALKAN KA AKHRI WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

“Madaxweyne Muuse waan uga mahadcelinayaa in uu Shacabka Somaliland shalay u sheegay in aan ahay Madaxweynaha isaga beddeli doona, muddo 4 sanno ah oo aad Madaxweyne Qaran ahayd ka bacdi, khubadaaddii shalay waxa ay Shacbiga tustay in aad weli joogto Xaruntii Xisbiga KULMIYE ee aad Guddoomiyaha ka hayd, kana korin shirarkii jaraa’id ee aad suuqa ku qaban jirtay.

Shacabku waxa ay kaa filayeen in aad si weyn uga hadli doontid arrimaha geeska, dhaqaalaha dalka, maciishaddan qaaliga ah, siyaasadda gudaha & dibedda, iyo arrimaha Doorashooyinka. Ummaddu kaama ay filayn yooyootan iyo xajiimo hor leh oo aan munaasib ku hayn madasha aad joogtay.

Waxa aan ahay shakhsi aqoon u leh arrimaha Dawladdnimada mana ihi nin ku xad-gudba sharafta Madaxda, waxaas’e yaab Umadda iyo annigaba ku noqotay in aanad hal mar xusin Madaxweyne Siilaanyo shacabkana aanad dib u xassuusin in libinta Madaarka Berbera uu isagu lahaa. Xisbi ahaan marnaba maanu diidaneyn wixii Qaranka u soo kordha ee waxa aanu diidaneyn qaabki Xisbigaaga KULMIYE u qardo jeexayey ee baal-marsaneyd sharciyadda dalka.

Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI.

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

COMMENTS
LINKS