|
|||||
WAJAALE NEWS
Maraykanka Oo War Cusub Kasoo Saaray Colaada Itoobiya Iyo Nuxurka Fariin Ay Udirtay Dhinacyada Ku Dagaalamaya!
November 27, 2021 - Written by Editor:WASHINGTON(W,N)-Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in dalkiisa uu aad uga walaacsan dagaalka faraha ka sii baxaya ee ka taagan waddanka Itoobiya. Waxa uu dhinacyada dagaallamaya ugu baaqay inay degdeg u joojiyaan colaadda. Blinken ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, kala hadlay xaaladda ka taagan Itoobiya, isla markaana uu la wadaagay walaaca uu Maraykanka ka qabo dagaalka oo uu sheegay inuu khatar ku yahay xasilloonida gobolka oo dhan. “Waxaan dhammaan dhinacyada dagaallamaya ugu baaqeynaa inay tallaabooyin muhiim ah u qaadaan dhanka nabadda si loo ilaaliyo midnimada iyo madax bannaanida dhuleed ee Itoobiya,” ayuu bartiisa Twitter ku qoray xoghaye Blinken. Dagaalka ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, xilli uu Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ku sugan yahay furimaha hore, sida ka muuqata muuqaal Jimcihii ay baahisay warbaahinta dowladda. Maaha markii uhoraysay ee dawlada maraykanku ka hadasho dagaalada ka socda gudaha itoobiya oo laga cabsi qabo in ay sobobaan colaado aan dhamaad lahayn oo galaafta nolosha kumanaan itoobiyaan ah. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|