|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Oo Lafilayo In Uu Maalinta Berri Ah Safar Ugu Kicitimo Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil Ee Berbera.
November 17, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha Jamahuuriyada Somaliland iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa lafilayaa In uu maalinta bari safar ugu kicitimo magaalo madaxda gobolka saaxil ee berbera Ujeedada safarka Madaxweynaha ayaa ah sida xogaha laga helayaa tibaaxeen In uu xadhig ka jaro mashruuca dhismaha madaarka Berbera oo dhamaaday iyadoo munaasibada xadhiga ka jarka la qaban doono maalinta sabtida ah ee toddobaadka danbe, balse Madaxweynaha ayaa Berbera sii joogi doona maalmaha Khamiista iyo jimcaha. Mashruuca dhismaha madaarka berbera ayaa waxa u maalgalisay dawladda Imaaradka Carabta.kaasi oo ay heshiishka la gashay xukuumadii hore ee madaxwayne axmed siilaanyo isagoo mudo uu socday dhismihiisu balse xadhig uu ka jari doono Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Wixii warar dheeraada ee kazoo baxa safarka madaxwayne biixi ku tagayo gobolka saaxil kala soco wararkeena danbe
Related posts:“Waa In Uu Cadeeyaa Sacad Dayntaasi Halkii Laga Qaatay Iyo Cidii Lagu Wareejiyay & Wixii Ay Ku Baxda... Gudoomiyaha Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Oo Ka Hadlay Sida Ay Ganacsatadu Ugu Tacadiyaan Sh... DAAWO; Marwo Faadumo Siciid Ka Hadashay fashilka Siyaasada Arimaha Dibada Somaliland Iyo Sida Ay X... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|