|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Xilka Qaadis ,Magacaabis Iyo Isku Badal Sameeyay +Wasaarada Cusub Oo Uu Soo Kordhiyay!
November 1, 2021 - Written by Editor:Wareegtooyin Madaxweyne : 01/11/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-772/112021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: MAGACAABID Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Xeerka kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa-bannaan, Xeer Lr. 71/2015, Qodobka 18aad; Markaan Arkay: Muhiimadda ay Yagleelka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyigu u Leedahay Dhismaha Qaranka; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hannan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In Axmed Aadan Jaamac Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland. +++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++ MAGACAABID MarkaanArkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aansaday;
***************************************************** UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar; Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane, Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Related posts:Ururka Qurbajooga Gaardo Laamihiisa Filand iyo UK Oo Deeqa Lacageed soo Gaadhsiiyey Cisitaalka Dhimi... Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda Federaalka Somalia Oo Harg... Dawlada Kenya Oo Weerarkii Ceel-Cadde Ee Lagu Laayay Ciidamdeeda Ku Eedeeysay Mid ka Mid Ah Beelaha... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|