Madaxwaynaha Jsl Oo Salaadii Jimce La Tukaday Shacabka Reer Berbera. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Salaadii Jimce La Tukaday Shacabka Reer Berbera.
November 19, 2021 - Written by Editor:

Berbera-(W.N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kamid ah weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo safar shaqo ku jooga gobolka Saaxil, ayaa Masjid Jaamaca Berbera kula tukaday Boqollaal kamid ah shacabka reer Berbera.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Cali Albaani oo salaadda Jimce kaddib bulshada la hadlay, ayaa ku dheeraaday qiimaha ay nabadgelyada iyo wada-jirka bulshadu u leedahay dawladnimada, waxana ku baaqay in la garab istaago cid kasta oo horumarka dalka u taagan.

COMMENTS
LINKS