|
|||||
WAJAALE NEWS
Hubka Ay Dawlada IRAN Uwaday Xuutiyiinta Yemen Oo La Sheegay In Loo Soo Gudbiyo Dhinaca Soomaaliya
November 11, 2021 - Written by Editor:Tehran(W,N)-Warbixin ay diyaarisay hay’ad fadhigeedu yahay magaalada Geneva ayaa lagu sheegay in hub ay IRAN siiso xulafadeeda Xuutiyiinta Yemen si qarsoodi ah looga talaabiyo gacanka Cadmeed lana geliyo dalka Soomaaliya halkaasoo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ay kula dagaalamayso dowladda Soomaaliya. Hay’adda Hal-abuurka caalamiga ah ee ka dhanka ah dambiyada abaabulan ee ku-meel-gaadhka ah “The Global Initiative against Transnational Organized Crime” ayaa sheegtay in daraasaddooda ay ka soo saareen xog laga helay in ka badan 400 oo hub ah oo laga diiwaan geliyay 13 goobood oo ku yaalla Soomaaliya muddo siddeed bilood ah iyo agabyo laga helay 13 doomood kuwaasoo ay qabteen maraakiibta badda. Waa cilmi-baadhistii ugu horreysay ee si guud loo helo oo lagu sameeyo baaxadda hubka sharci-darrada ah ee Yemen laga soo galiyo waddanka Geeska Afrika ku yaalla. “Hubka ka soo jeeda Iran iyo Yemen ayaa si ganacsi ah loogu sii dhoofiyaa Soomaaliya lafteeda,” ayaa lagu yidhi daraasadda. “IRAN waxay si isdaba joog ah u beenisay inay wax lug ah ku leedahay ka ganacsiga hubka ee Xuutiyiinta. Si kastaba ha ahaatee, cadaymo hor leh ayaa tilmaamaya sahayda dawladda Iran.” Wasaaradda arrimaha dibadda IRAN iyo afhayeen u hadlay xoogaga Xuutiyiinta Yemen ayaan ka jawaabin codsi ku saabsan daraasaddan. IRAN ayaa si joogta ah u beenisay inay wax lug ah ku leedahay ka ganacsiga hubka ee xulafadeeda Xuutiyiinta Yemen, halkaasoo dagaalka sokeeye ee lixdii sanno ee la soo dhaafay ay ku dhinteen tobanaan kun. Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka Amniga Gudaha ayaan ka jawaabin taleefoonno iyo farriimo wax lagaga weydiinayay arrintan sida ay daabacday wakaalada wararka Reuters. Daraasadu waxay sheegtay in baadhayaashu aanay awood u lahayn inay si buuxda u diiwaangeliyaan iibsada iyo iibinta hubka. Laakiin waxa ay sheegtay in calaamadaha hubka ay markii hore bixisay dawladda Iran ay ka mid ahaayeen tiro taxane ah oo aad isugu dhow, taas oo muujinaysa in ay qayb ka ahaayeen shixnadii la mid ahaa, xogta laga helay nidaamyada satalaytka ee maraakiibta la qabtay. Mid ka mid ah doonyaha hubka oo ay qabteen markab ay leeyihiin ciidamada badda ee Mareykanka ayaa lahaa GPS-ka lagu keydiyay Iran, koonfurta Yemen iyo Soomaaliya, sida warbixintu sheegtay, oo ay ku jiraan bar yar oo ku taal meel u dhow dekedda Jask, oo martigelinaysa saldhigga ciidamada badda ee Iran iyo Dekedda Mukalla ee dalka Yemen, oo ah goob caan ah oo laga soo dhoofiyo hubka. Daraasaddu waxay sheegtay in qorigu uu ku dhammaado shabakado ganacsi oo wax tahriibiya oo macaamiishooda ay ka mid noqon karaan kooxo hubeysan oo doonaya inay ka faa’iideystaan ka hor doorashooyinka madaxtinimo ee Soomaaliya oo marar badan dib u dhac ku yimid, iyo sidoo kale maleeshiyo beeleed iyo kooxo Islaamiyiin ah oo iska soo horjeeda oo xiriir la leh Al-Qaacida iyo Daacish. Xigasho;Reuters Related posts:Beesha Caalamka, Dawladaha Gobolka Geeska Africa Miyey Moogan Yihiin Taariikhda Iyo Dhacdooyinka Som... Maayarka Magaalada Gabiley Oo War Kasoo Saaray Barnaamijkii Nala Qurxi Magaalada Iyo Qaabka Uu Usoco... Wasiirku Xigeenka Beeraha Somaliland oo Jaliyada Somaliland ee Dalka Qatar Kala Qayb Galay Xuska 18 ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|