Hogaanka Sare Xisbiga Waddani Oo Maanta Kusoo Dhaweeyey Xisbiga Aqoonyahan iyo Da’yarta Gobolka Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hogaanka Sare Xisbiga Waddani Oo Maanta Kusoo Dhaweeyey Xisbiga Aqoonyahan iyo Da’yarta Gobolka Gabiley.
November 6, 2021 - Written by Editor:

Gabiley(W.N):-Gudoomiyaha xisbiga waddani ahna Musharaxa madaxweyne C,raxmaan Cirro iyo masuuliyiin tiro badan oo uu horkacayo ayaa saaka salaadii hore ku waabariistay magaalada gabiley halkaas oo ay xisbiga waddani kusoo biirayeen dhalinyar iskood isku abaabuley oo ah aqoonyahanka iyo da’yarta gobolka gabiley.

 

Khudbado kala duwan oo ay halkaasi kasoo jeediyeen ayaa madaxda xisbiga waddani iyo aqoonyahankii lagu soo dhaweeyey xisbigu bulshada gabiley ku booriyeen in teeramkan doorashada ay soo raacaan shamaca guusha ee ka siraadan xisbiga waddani.

Gabogabadina waxaa halkaasi khudbad dheer ka jeediyey musharaxa Madaxweyne Xisbiga Waddani Dr C,raxmaan Maxamed C,laahi Cirro isagoo dhalinyartaasi u balan qaaday inay yihiin bahweynta xisbiga waddani islamarkaana uu kusoo dhaweeynayo xisbiga waddani oo u jahaystay dhabihii horumarka iyo guusha dhalinyarta somaliland.

Halkan Hoose Ka Daawo Nuxura Xafldan Balaadhan.

 

COMMENTS
LINKS