|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Guddoomiyay Shirkii U Dambeeyay Ee Guddida Fulinta Iyo Qodobada Lagaga Hadlay.
November 13, 2021 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta guddoomiyay shirkii u dambeeyay ee Guddida Fulinta Xisbiga oo ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee Xisbiga. Fadhiga Guddida fulinta waxa warbixin ku saabsan shirweynaha labaad lagaga dhegaystay Guddida Qaban-qaabada shirweynaha waxaanu guddoomiyaha guddida Mudane Ismaaciil Yare sheegay in hawlaha shirweynuhu si habsami ah u socdaan. Sida oo kale waxa Guddida Fulinta loo akhriyay wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyay xeerka Xisbiga waxaanay Guddida Fulintu cod aqlabiyad ah ku meelmarisay wax ka bedelka iyo kaabista xeerka Xisbiga oo Shirweynaha 2-aad ee Xisbiga lagu ansixinayo 15-16 Nocember 2021.
Related posts:Nuur Xaaji Xuseen Cumar xaashi oo Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Ayaa Ka Hadlay Saamaynta Qaadku Ku Leeya... DAAWO; Boobe Yuusuf Ducaale Oo Ka Hadlay Warar Sheegay In Xilka Laga Qaaday Isaga iyo Xamarje, Dhal... DAAWO;Qaarkamida Xildhibaanada Golaha Deeganka Xisbiga kulmiye Ee Gobolka Awdal Iyo Siyaasiyiin Si ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|