|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Sheegay In Wada-hadallada Somaaliya Dhaawaceen Aqoonsi-raadinta Smaliland!
November 25, 2021 - Written by Editor:Hargeysa (W,N)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo hore uga mid ahaa xubnihii Somaliland uga qayb gali jiray wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa sheegay in ay joojinayaan wada-hadalladaasi, inkasta oo muddo dheer la qabanin sababo jira awgood. Faysal ayaa sheegay in wada-hadaladu ay dhaawaceen dedaalada aqoonsi-raadinta Somaliland, isla-markaana caalamku u fasirtay in Somaliland iyo Soomaaliya ay ka wada-hadlayaan sidii ay dib ugu heshiin lahaayeen. “Maalin dhawaydna waan ka hadlay, sannad guuradii 30aad na qoraal ayaanu soo saarnay xisbi ahaan, anagu wada-hadalladaa waanu joojinaynaa haddii Alle yidhaahdo, wada-hadalladii horena khasaare ayay noo keenen, waxa loo fasirtay in Somaliland iyo Soomaaliya ay ka wada-hadlayaan sidii ay u heshiin lahaayeen” ayuu yidhi Faysal oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, waxaanu intaa sii raaciyey in haddii uu Madaxweyne Biixi ku raaci waayo go’aankooda ay wada-hallada ku joojinayaan, ay mooshin wada-hallada ka dhan ah horgayn doonaan galeyaasha baarlamaanka Somaliland “Arrintaasi waxay noo keentay in waddamadii na aqoonsan lahaa dib u joogsadaan, haddii uu Madaxweynuhu ku adkaysan waayona go’aan kaas baarlamaanka ayaanu horgaynaynaa, mooshin odhanaya hala joojiyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, haddaanu soo baxnana waanu joojinaynaa” ayuu yidhi Faysal “Madaxwaynuhu hadii uu ka laaban-waayo wada-hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya waxaanu gayn-doonaa Baarlamaaka si ay uga laabtaan..”
Related posts:DAAWO : Murrashax Muuse Biixi oo ka Warramay Doorkii Reer Awdal Ku Lahaayeen Aas Aaskii Somaliland “Intii Uu Xilka Qabtay Madaxwayne Muuse Biixi Waxa La filayaa Inay Dhacdo Muddo kordhin Markii Ugu H... “Reer Kalabaydh Iyo Wajaale Waxaa Kusoo Socda Culays Badan Iyo Wadadii, Waxaa Laydinka Doonayaa Dhul... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|