Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Somaliya Oo Hakiyay Ku Dhawaaqista Natiijada Kursigii Uu Ku Guulaystay Mahdi Guuleed. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Somaliya Oo Hakiyay Ku Dhawaaqista Natiijada Kursigii Uu Ku Guulaystay Mahdi Guuleed.
November 2, 2021 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa hakiyay ku dhawaaqista Natiijada rasmiga ah ee kursiga Nambarkiisu yahay #HOP239 oo shalay doorashadii ka dhacday Xarunta Tababarka Booliska Gen. Kaahiye loogu doortayRa’iisul Wasaare Kuxigeenkii Mahdi Guuleed.

Guddida ayaa qabtay dacwad uu soo gudbiyay Musharax Xuseen Carab Ciise oo kursigaasi ku fadhiyay, waxaana la faray Guddiga hirgelinta doorashada in la hakiyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga ee kursigaas laga bilaabo 2 November inta Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu go’aan ka gaadhayo dacwada laga soo gudbiyay kursigaas.

 

 

COMMENTS
LINKS