“Dhaqanka Subeer Awal Ee La Faro Farayno Sida Xisbiga Kulmiye Layskugu Garaacayo Labada Inan Oo Kale, Muuse Biixi Waxaan Leeyahay Faraha Kala Bax”Muj Xamarje. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dhaqanka Subeer Awal Ee La Faro Farayno Sida Xisbiga Kulmiye Layskugu Garaacayo Labada Inan Oo Kale, Muuse Biixi Waxaan Leeyahay Faraha Kala Bax”Muj Xamarje.
November 7, 2021 - Written by Editor:

“Xukuumada Muuse Biixi Gadhwadeenka Ka Yahay Waxay Inaga Weerartay  Dhaqankii Iyo Dhaqaalihiiba”Siyaasi Xamarje.

“Gabiley Xisbiga Kulmiye Waxay Ka Dheeftay Wax Aanay Ka Galabsan Oo Aanay Foodka  Kusiin”Siyaasi Xamarje,

GABILEY(W,N)-Siyaasi Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) Oo kamid ah masuuliyiinta sar sare ee xisbiga wadani kana mid  Ah xubnaha usharaxan gudoomiye kuxigeenada xisbiga wadani Oo ka hadlayay munaasibad magaalada gabiley loogu qabtay Dhalinyaro reer gabiley ah ayaa ka hadlay sida xisbiga wadani Reer gabiley diyaarka ugu yahay in uu dhamaystiro Gobolnimadiisa iyo balan qaadka gudoomiye cirro.

Sidoo kale siyaasi xamarje ayaa sheegay in aan marnaba la Aqbali Karin in madaxwayne biixi faro galin kusameeyo saldanada subeer awal oo ah saldanad qarniyo soo jirtay.

Dhanka kale siyaasi xamarje ayaa madaxwayne biixi ugu baaqay in uu faraha kalabaxo saldanada suber awal ee uu sida uu xisbiga kulmiye iskugu garaacayo gaafadhi iyo maxamed kaahin oo kale in aanay ahayn.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS