|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Jabuuti Oo Kasoo Horjeesatay Wareerar Dalkeeda Lagaga Qaado Itoobiya.
November 14, 2021 - Written by Editor:JABUUTI(W,N)-Dowladda Jabuuti ayaa maanta sheegtay in dhulkeeda aan loo adeegsan doonin farogelin dagaal oo lagu sameeyo dalalka deriska la ah. Hadalkan ayaa yimid kadib markii Jeneral ka tirsan ciidamada Mareykanka uu wareysii uu siiyey BBC-da walaac uga muujiyey saameynta uu dagaalka Ethiopia ku yeelan karo gobolka, islamarkaana ciidamada Mareykanka ee Jabuuti “ay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan xasaradda.” Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Jeneraal Willilam Zana, taliyaha saldhigga Lemonier [ee Jabuuti], wuxuu wareysi uu siiyey BBC-da ku sharxay sida ciidamada Mareykanka ee ku sugan Jabuuti ay u fuliyaan howlgallo lagula dagaalamayo argagixisada iyo ilaalinta muwaadiniintooda haddii loo baahdo daad-gureyn.” “Dadka qaar ayaa walaac ka muujiyey in dhulka Jabuuti loo adeegsanayo farogelin dagaal oo lagu sameeyo dalalka deriska la ah. Tani ma dhici doonto sababtoo ah dowladda Jabuuti waxaa ka go’an xidhiidhka ay la leedahay deriskeeda.” Wasiirka Arimaha dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Jabuuti ay qadarineyso iskaashiga muhiimka ah ee ay la leedahay Mareykanka, “ayna hubanti tahay in iskaashigan aanu aheyn mid ka dhan dal kasta oo ay noqoto.” Saldhigga ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ayaa inta badan loo adeegsadaa in laga qaado weerarada iyo howlgallada ka dhanka argagixisada, oo laga fuliyo meelo ay ka mid tahay Soomaaliya Related posts:Shir looga hadlayo shidaal laga baarayo Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada London ee xarunta... Raysal-wasaaraha Abiy Ahmed Sheegay In Madaxwaynihii Hore DDSI Cabdi Maxamuud Cumar Sharciga La Ma... Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Galabta Dhalinyarada Iyo Waxgarada Xaafada Axmed Dhagax Kulan La Qaatay. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|