DAAWO;-Suldaanka Guud Ee Beesha Subeer Awal Xasan Suldaan Cabdilaahi Oo Luuqad Adag Kula Hadlay Madaxwayne Biixi Oo Markale Duulaan Ku Ah Saldanada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Suldaanka Guud Ee Beesha Subeer Awal Xasan Suldaan Cabdilaahi Oo Luuqad Adag Kula Hadlay Madaxwayne Biixi Oo Markale Duulaan Ku Ah Saldanada!
November 4, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Suldaan guud Ee beelaha subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan Ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka saldanada habar awal loogu soo duulay iyo sidii ay udhacday casuumadii ugaaska beesha oo magaca suldaanka beesha xukuumadu cidkale ku magacowday.

Sidoo kale suldaan xasan ayaa eedo culus ujeediyay madaxwayne biixi oo uu sheegay in uu doonaya in uu koofiyada ku dul jeex jeexo ismarkaana uu markii labaad kusoo duulay saldanada faca waynle ee subeer awal

“Muuse Biixi ka yeeli mayno in uu maalin walba nagu dul jar jaro koofiyadayada oo uu cid nagusoo dhiso si uu uburburiyo sandaladan. Iminka oo qudha maaha ilaa 2016 kii ayuu nagu hayey farageinta sandaladda”SULDAAN XASAN.

COMMENTS
LINKS