|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Haayada Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Celisay 22 Dhalinyaro Ah Oo Hore Ugu Tahriiibay Dalka Liibiya.
November 23, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Gudoomiye kuxigeenka haayada qaxoontiga Iyo barakacayaasha qaranka Iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Haayada xaqoontiga &Barakacayaasha iyo haayada IOM ayaa Garoonka diyaaradaha ee cigaal international Airport ee Caasimada hargaysa kusoo dhaweeyay 22 dhalinyaro ah oo Hore ugu tahriibay dalka liibiya kuwaasi oo codsaday in dib Loogu soo celiyo dalkooda hooyo ee Somaliland, halkaasi oo ay Mudo ku xanibnaayeen dalka liibiya.
Soo celinta dhalinyarada tahriibtay Ee reer Somaliland ayaa waxaa iska kaashaday haayada qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka iyo Haayada IOM.
Qaarkamid ah dhalinyarada tahriibtay ee lasoo celiyay iyo Waalidiintooda ayaa ka dareen celiyay in dalkoodii hooyo ay kusoo guryo noqdaan Iyagoo ka waramay dhibtii iyo rafaadkii ay kala kulmeen tahriibta.
Sidoo kale qaarkamid ah waalidiinta dhalay dhalinyarada lasoo celiyay ay la ilmeeyeen farxad dartii iyo caruurtoodii Oo ay mudo sanado kadib oo ay ka maqnaa oo heleen. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|