Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Oo Qalab Ciidan Iyo Gaadiid Kala Wareegay Midowga Yurub. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Oo Qalab Ciidan Iyo Gaadiid Kala Wareegay Midowga Yurub.
November 23, 2021 - Written by Editor:

BERBERA(W,N)-Ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ayaa qalab ciidan iyo gaadiid tiro badan kala wareegay midowga yurub kuwaasi oo kor loogu qaadayo tayada ciidamada xeebaha ee Somaliland.

Munaasibada ay ciidanka ilaalada xeebuhu kula wareegayeen qalabka iyo gaadiidka oo ka dhacday magaalada berbera ayaa waxaa kazoo qaybgalay wasiir kuxigeenka abniga ee wasaarada arimaha gudaha, masuul kasocday midowga yurub, taliyaha ciidanka xeebaha iyo maamulka gobolka saaxil.

Sidoo kale taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ayaa gaadhay taliska ciidanka ee magaalaa berbera halkaasi oo uu salaamkaga qaatay cutubyo katirsan ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland sareeyo Guuto Xiirane ayaa ciidanka ilaalada  xeebaha jsl hambalyo udiray iyaga iyo xaasaskooda sanad guurada ciidamada awgeed isagoo sidoo kale amaanay sida ay ugutaa shaqadooda .

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS