Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa Oo Damiyay Dab Qabsaday Guri Daar Ah Oo ku Yaala Xaafada New Hargeysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa Oo Damiyay Dab Qabsaday Guri Daar Ah Oo ku Yaala Xaafada New Hargeysa.
November 24, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guryihii u dhawaa,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay.

Sidoo kale waxaa gurmadka daminta Dabka kala qayb qaatay Ciidanka Booliska degmada oo iyaguna dhankooda hawlgalkaa ka qayb qaatay, waxaana had iyo goor Ciidanka Booliska JSL si dhakhso ah u yimaadaan goobaha hawlgalada dabku ay ka dhacaan ee gobolada iyo degmooyinka dalka.

Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab.

 

COMMENTS
LINKS