Ciidanka Dab Demiska Caasimada Hargaysa Oo Soo Badbaadiyay Laba Caruur Ah Oo Dab Ku Qabsaday Gurigii Ay Deganaayeen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Dab Demiska Caasimada Hargaysa Oo Soo Badbaadiyay Laba Caruur Ah Oo Dab Ku Qabsaday Gurigii Ay Deganaayeen.
November 22, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Ciidamada dab damiska caasimada hargaysa ayaa gurmad ufidiyay laba cauur ah oo guri jiingad ah oo ay deganaayeen dab ku qabsaday xili walidkii dhalay ay dusha kaga sii qululeen halkasi oo ciidanku soo badbaadiyeen dabkan laba caruur ah. Gurigan ayaa ku yaala xaafada xawaadle ee magaalada hargaysa.

Laba caruura oo dusha guri Jiingada lagaga xidhay, kadibna laga tagay ayaa maanta ciidanka Dabdemisku soo samatabixiyeen xaafada Xawaadle ee magaalada Hargeysa.

Dhacdooyinkan ayaa in badan soo noqnoqday mudooyinkan dambe, waxaanu ciidanku bulshada uga digayaa inay ka waantoobaan falalka noocan oo kale.

 

COMMENTS
LINKS