Boqor Buurmadow Oo Booqday Dadkii Laga Raafay Somaliland Iyo Qadarka Lacag Uu Ku Wareejiyay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Boqor Buurmadow Oo Booqday Dadkii Laga Raafay Somaliland Iyo Qadarka Lacag Uu Ku Wareejiyay.
November 26, 2021 - Written by Editor:

BAYDHABO (W,N)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, Ayaa lacag dhan 120 kun oo dollar guddoonsiiyay dadkii ay xukuumada Somaliland kasoo tarxiishay gobolada Sool iyo Sanaag, isagoo u balan qaaday in ay heli doonaan wixii hanti ka maqan iyo deeqo kale.

Boqorka ayaa sheegay in uu Baydhabo u yimid si uu dadka reer Koonfur-galbeed uga xaal mariyo tarxiilkii ay xukuumada Somaliland kaga soo saartay ciideeda oo ay muddo badan ku dhaqnaayeen.

“Waxan idiinku imid in anaan gobonimadii Soomaali nagu baratay aan ilaaliyo, Muuse Biixi Cabdi waa madaxweynahaygii, boqorkiisi baan ahay, wasiirka arrimaha guduhu waa xaafadayda, jananka bilayska adeerkiis ayaan ahay, intaba haday dhaawac idiin gaysteen in aan dhayo oo aan ka daba imaado ayaan u imid” ayuu yidhi.

Boqorka ayaa sheegay in marka uu soo noqdo uu la kulmi doono madaxda Somaliland, isla markaana uu kala hadli doono sidii xukuumadu ay garowshiyo uga bixin lahayd wixii dhibaato ah ee soo gaadhay dadka la tarxiilay intii hawlgalku socday.

“Dowladii iyo xukuumadii waan u tagi doonaa dhaawicii iyo cam camadii la idiin gaystay in ay cawad bixiso xukuumadu, in aan xukuumadii ku noqdo oo aan yidhaa dadkii wixii aad u gaysateen keena, waxa kale oo aan balan qaadaya in wixii hanti ma guurta ah aad ka timaadeen aan cidna dhibaato gaadhsiin” ayuu yidhi boqorku.

Boqorka ayaa dadka reer Baydhabo ka codsaday in ay u duceeyaan madaxda Somaliland ee howlgalka ku lugta lahayd “U duceeya odayaasha jajanka iyo wasiirka arrimaha gudaha ishiina in uu Alle ka reebo, odaygoodi ayaan ahay oo wan u damqanayaa in ay wax gaadhaan”.

 

COMMENTS
LINKS