Booliska KENYA Oo Baadhitaan Ku Billaabay Kiiska Wariye U Dhalatay Ingiriiska Lagu Dilay Nairobi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Booliska KENYA Oo Baadhitaan Ku Billaabay Kiiska Wariye U Dhalatay Ingiriiska Lagu Dilay Nairobi
November 22, 2021 - Written by Editor:

Nairobi(W,N)-Booliska Kenya ayaa billaabay baadhitaan ku aadan dhacdada weriye ka tirsaneyd BBC-da oo ku geeriyootay magaalada Nairobi.

Kate Mitchell, oo u dhalatay Ingiriiska lana shaqeyneysay BBC Media Action isla markaana ka howlgaleysay dhowr dal oo Afrikaan ah ayaa geeriyootay Jimcihii xilli ay ku sugneyd huteelkii ay ka dagganeyd magaaladaas.

BBC Media Action waa hay’ad caalami ah oo qaabilsan baarnaamijyada samafalka iyadoo mashaariicdeeda ay diiradda ku saarto si warbaahinta iyo isgaadhsiinta loogu adeegsado waxkaqabashada sinaan la’aanta ka jirta adduunka.

Iyadoo aanan la ogeyn sababta ka dambeysay dhimashada gabadhan, booliska Kenya waxay warbaahinta gudaha u sheegeen inay baadhayaan dhimashada iyo sababaha la is odhan karo wey ka dambeeyeen.

COMMENTS
LINKS