Agaasimihii Radio Muqdisho Oo Lagu Dilay Qarax Gaadhi Oo Caawa Fiidkii Lagu Beegsaday Magaalada Muqdisho. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Agaasimihii Radio Muqdisho Oo Lagu Dilay Qarax Gaadhi Oo Caawa Fiidkii Lagu Beegsaday Magaalada Muqdisho.
November 20, 2021 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N-Allaha u naxariisto agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika, ayaa caawa fiidkii l lagu dilay qarax gaadhigiisa loogu xidhay oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Weriye Cabdicasiis afrika, ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaadhay qaraxa, sida ay sheegeen masuuliiyiin katirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo xaqiijiyay geeridiisa.

Cabdicasiis Afrika, wuxuu sidoo kale ahaa soo saarihii barnaamijka gungaar ee lagu wareysan jiray dagaalamayaasha Alshabaab ee dowladdu gacanta ku dhigto, wuxuuna bartilmaameed weyn u ahaa ururka Alshabab.

Sidoo kale Warar aan ka helayno qarax ayaa sheegaya inuu dhaawac yahay agaasimihii telefishinka qaranka Somaaliya, Sharmaarke Maxamed Warsame oo la socday weriye Afrika.

 

COMMENTS
LINKS