|
|||||
WAJAALE NEWS
Afhayeenka TPLF Oo Sheegay In Ay Kusii Siqayaan Caasimada Adis ababa!
November 9, 2021 - Written by Editor:MEKELLE(W,N)-Afhayeen u hadlay mucaaradka Tigray ayaa sheegay in ciidamadooda ay ku sii siqayaan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ilaa dowladdu ay qaaddo go’doominta ay gelisay gobolka waqooyiga dalkaasi ku yaalla ee Tigray. Getachew Reda ayaa raadiyaha BBC Focus on Africa u sheegay in caqabadda keliya ee hortaagan nabadda Itoobiya ay tahay “ku dhegganaanta Abiy Axmed ee in qaab militari loo xalliyo wax dhibaato siyaasadeed ah”. Mcaaradka ayaa ku sii siqayay caasimadda, iyadoo dowladdu ay dadka deggan Addis Ababa ugu baaqeysay inay is abaabulaan oo ay is difaacaan. Getachew ayaa sheegay in ujeedkood augu weyn “uusan keliya ahayn Addis Ababa ee uu yahay in Abiy lagu qasbo inuu go’doominta ka qaado dadkooda”. “Waxay u taallaa Abiy inuu haa ama maya dhoho dalabaadkeenna…dagaalkana uu soo afjaro,” ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Xoreynta Dadka Tigray (TPLF). Afhayeenka ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, oo ku sugan Itoobiya si uu u dhexdhexaadiyo labada dhinac inay dagaalka soo afjaraan, uu wada hadalo miro dhalay la yeeshay hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael. Wuxuu sheegay in hoggaamiyaha TPLF “uu sharraxaad ka bixiyay ujeedkooda”.
Related posts:Taliyaha Ciidamada Booliska Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Shilalkii Gaadiidka Ee Dalka Ka Dhacay Sanadkii... “Waxaan Qirayaa In Beesha Xareed Ku Suntanayd Halgankii Dalka lagu Xoreeyay, kan Maantana ..”Gudoomi... Madaxwaynaha Jsl Oo Kulan La Qaatay Urur-siyasadeedyada Cusub Iyo Nuxurka Arimaha Ay Ka Wada Hadleen... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|