Abwaan Weedhsame Oo Sheegay In Aanu Madaxwayne Biixi Soo Noqonayn Oo Uu Dhacayo, 10 Qodob Ee Uu Balanqaadayna Ay Beenoobeen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abwaan Weedhsame Oo Sheegay In Aanu Madaxwayne Biixi Soo Noqonayn Oo Uu Dhacayo, 10 Qodob Ee Uu Balanqaadayna Ay Beenoobeen.
November 13, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame” ayaa jawaab ka bixiyay qaarkamid ah masuuliyiinta xisbiga kulmiye oo baraha bulshada ku faafiyay iyagoo farta malab ku dhuuqaya isagoo si toos ah ugu sheegay in aanu madaxwayne biixi soo noqonayn doorashada soo socota ismarkaana ay beenoobeen balanqaadkii doorashadii hore isna uu og yahay in uu dhacayo.

Sidaasina wuxu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Ama Iyaga Oo Malab Muudsanaya Ha Soo Dhigaan Ama Iyaga Oo Guulwadaynaya Ha Dhurmaan, Mid Uun Baase Hubaal ah, Madaxweyne Muuse Soo Noqon Maayo Waanu Dhacayaa.

Xataa madaxweynaha Ayaa Og Inu Dhacayo!!!!

10 kaas qodoba waa Beenoobeene Xagguu ku soo noqonayaa?

 

COMMENTS
LINKS