|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Magaalada Laascaanood Ka Mastaafurisay Dad Kasoo Jeeda Koonfurta Somaliya.
October 2, 2021 - Written by Editor:LAASCANOOD(W,N)-Xukuumada Somaliland ayaa maanta magaalada laascanood kazoo ururisay dadka kazoo jeeda koonfurta somaliya oo iyagu deganaa magaalada Sidoo kale xukuumada sommaliland boqolaal kamid ah dadka soo jeeda koonfurta somaliya ka mastaafurisay dalka iyagoo baabuur udaad guraysay halkii ay kazoo jeedeen ee gobolada somaliya. Dadka xukuumada mastaafurisay ayaanay jirin wax danbi ah oo ay ka galeen magaalada laascanood ee ay deganayaan kuwaasi oo laamaha amaanku ay kusoo cadeeyeen waxa ay ka galeen dalka balse daad guraynta dadka iyo tarxiilka xukuumada Somaliland kula kacday ayay la xidhiidhinaysaa dilal mudooyinkii udanbeeyay ka dhacay magaalada laascaanood oo lagu laayay dad masuuliyiin ah iyo xildhibaan katirsanaa golaha deegaanka degmada laascanood kuwaasi oo ilaa hada aanay jirin cid ay xukuumadu usoo qabatay falalkan dilka ee mudada kazoo dhacay magaalada laascaanood Talaabada ay xukuumada Somaliland kula kacday dad iskugu jira caruur iyo haween oo qaarkood meherado ganacsi ku haysteen magaalada laascanood ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay kuwaasi oo xukuumada Somaliland lagu dhaliilay qaabka ay ula dhaqantay dad maati ah oo aan waxba galabsan islamarkaana dalkoodii uga sooo caayay colaadaha mudada dheer ka socday koonfurta somaliya oon ilaa hada deganayn. Dhanka kale dadka maanta laga mastaafuriyay magaalada madaxda gobolka sool ee laascaanood ayaan xukuumadu wax wargalin ah amaba ogaysiis ah siisiin si ay uga diyaar garoobaan islamarkaana ku urursadaan wixii ka yaalay magaalada taasi oo iyana ah arin xadgudub ku ah bini,aadnimada iyo qaabka loola dhaqmo dadka soo galaytiga ah amaba aqoontiga ah eek u dhaqan dal aan ahayn koodii. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|