|
|||||
WAJAALE NEWS
Xisbi Xaakimka Kulmiye Oo Hargeysa Ka Bilaabay Shirdoceedyo, Dib-ucurasho Ah!
October 25, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-In ka baddan Afartan, Caaqil oo kasoo jeeda Ardaaga Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa, Maanta Kulan Qaddo ah loogu Qabtey Huteelka Baraar ee Caasimada Hargeysa, kaasi Oo ujeedadiisu Daarnayd xodxodasho Siyaasadeed, oo ku Wajahan odoroska Damaca Cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku doonayo,inuu ku baadi doono markale Taageeradii xisbiga kulmiye Oo Markii la doortay 2017 oo banaanka kaga tahay, Talaabadan, Loogu yeedhay Cuqaasha ka badan Afartameeyaha Ee Maanta lagu Martiqaaday Baraar Huteel, oo hordhac u ah Shirdoceedyo Dib-ucurasho ah oo Xisbiga Kulmiye indhawaale ka Wadey, Caasimada Hargeysa kuwaasi oo kasoo bilaabmey Dhinaca Koonfurta Hargeysa, iyadoo Kulanada noocan ahi Ku Xidhiidhsan yihiin Odoros Siyaasadeed ee loogu Xudun Xidhayo Doorashada soo Socota ee Madaxtooyada, oo Maalmihii u Dambeeyay Damac Weyni soo Hoomaayay Madaxweyne Muuse Biixi oo ugu diyaar garoobaya, dhaqdhaqaaqan Shanta Sanno ee Soo Socota, Taageero uu ka helo Dhinacyadii ku Taageeray Doorashadii 2017kii, Waxaana Ururinta Cuqaasha looga Wareegay in uu Madaxweynuhu Uga Wareegay Salaadiinta oo aanu Deyrtan u baahnayn.
Sidoo kale waxaa kulanka cuqaasha goob joog ka ahaa masuuliyiin xukuumada madaxwayne biixi katirsan gaar ahaan xubnaha wasiirada ee jufadiisa (sacad muuse) oo ay gadhwadeen ka ahaayeen wasiirada macdanta iyo tamarta,Isgaadhsiinta, Wasiir kuxigeenka waxbarashada, Mareeyaha wakaalada biyaha hargaysa Iyo gudoomiyaha komishanka tamarta.
Kulanada Dibucurashada Kulmiye ayaa lagu Waddaa Maalmahan, in ay Halkaa kasii Socon Doonaan iyadoo lagu bilaabay Cuqaasha Beelaha Subeer Awal, oo ay Hormood uga yihiin ololaha Arintan Wasiiro Katirsan Xukuumadiisa oo ay kamid yihiin wasiiro Iyo masuuliyiin kale. HARGEISA OFFICE WAJAALENEWS Related posts:Daawo:Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Xukuumada Iyo Xisbigeega Kulmiye Ku Eedeeyay Mid Fadqalado K... Maxkamada Gobolka Sanaag Oo Min 7 Sannadood Oo Xadhig Ah Ku Xukuntay 4 Askari Oo Lagu Helay In Ay Ku... Madaxweynaha Jsl Oo Kormeer Iyo Xadhig-ka-jaris Ku Sameeyey Mashaariic kala Duwan Oo Laga Hirgeliyey... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|