“Wiil Dhalinyaro Ah Ayuu Wasiir Ama Agaasime Guud Umagacaabayaa, Wax Yar Markuu Joogo Uu Eryo Miyaanu Mustaqbalkii Wiilka Baabi’In Ilayn…”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Wiil Dhalinyaro Ah Ayuu Wasiir Ama Agaasime Guud Umagacaabayaa, Wax Yar Markuu Joogo Uu Eryo Miyaanu Mustaqbalkii Wiilka Baabi’In Ilayn…”Cali Guray.
October 8, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee badi falanqeeya xaaladaha siyaasadeed ee somaliland ka taagan iyo kuwo geeska africa ayaa ka hadlay magacaabisaha iyo xilka qaadista madaxwayne biixi ku sameeyo masuuliyiinta dhalinyarada ah ee uu xilalka umagaacabay oo uu qaarkood xilka kaga qaado mudo gaaban iyadoo aanay jirin wax uu ku sobobeeyo xilka qaadistooda kuwaasi oo uu ku tilmaamay in ay dhaawac ku yihiin dhalinyarada islamarkaana aad moodo talaabooyinka uu madaxwayne biixi qaadayo kuwo u eeg barnaamikii maaweelada ee ka bixi jiray Idaacadii Radio Muqdisho.

Siyaasi cali guray ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uuku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga, wuxuna udhignaa Sidan;

‘XIL KA QAADIS IYO XIL U DHIIBIS” MA BARNAAMIJKII MAAWEELADA CARUURTA EE RADIO MUGADISHAA HORTA?

Wiil dhalinyar ayuu Wasiir ama Agaasime Guud u magacaabayaa. Wax yar markuu joogo uu eryo miyaanu mustaqbalkii wiilka baabi’in ilayn Shaqo ka hoosaysa qaban maayo oo wuxu u arkayaa casilaad eh?. Waxa ka haboonayd marka hore in muddo ay ku bartaan shaqada uu hoos geeyo kuwo ka waayo aragsan marka ay in muddo ah la shaqeeyaan kuwan sodonka sanadood soo lignaan hawlgab geliyo iyaga oo markaa waayo aragnimo helayna ay kala wareegaan.

Inanka jaamacad ka soo baxay ee shaqada wasiir iyo Agaasime Guud ka bilaabay ee markii uu wax fahmay hadana la eryay ma wax buu yeelay mise wax buu taray?

 

COMMENTS
LINKS