Ururka Xamaaliinta Dekeda Berbera Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Shirkada DP WORLD Iyo Fariinta Ay Udireen Xukuumada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka Xamaaliinta Dekeda Berbera Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Shirkada DP WORLD Iyo Fariinta Ay Udireen Xukuumada!
October 20, 2021 - Written by Editor:

BERBERA(W,N)-Ururka Xamaaliinta Dekeda Berbera ee loo Yaqaan “Geelayaasha” ayaa cabasho xoogan ka muujiyay shirkada Gacanta ku haysa dekeda Berbera ee DP WORLD Oo ay sheegeen in ay kaga baxday heshiishkii ay wada galeen islamarkaana hada ay iska qaadato lacagtii xamaaliinta.

Sidoo kale ururka xamaaliinta dekeda berbera ayaa xukuumada madaxwayne biixi ugu baaqay in ay waxka qabato cabashadooda taasi oo uu heshiishka ay wada galeen uu goob joog ka ahaa wasiirkii arimaha dibada ee xiligaasi sacad cali shire oo hada ah wasiirka maaliyada.

Dhanka kale ururka xamaaliinta dekeda berbera ayaa si gaar ah uga cawday wasiirka maaliyada sacad cai shire oo  hore u ogaa heshiishkooda islamarkaana ay hada kusoo noqnoqonayeen mudo 7bilood waxna aanu ka qaban karinkooda.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS