Taliyeyaasha Ciidamadda Jsl Oo Sheegay In Dalka Laga Saarayo Cidkasta Oo Caqabad Ku Ah Sugitaanka Amaanka Laascaanod Iyo Ka Somalilandba | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyeyaasha Ciidamadda Jsl Oo Sheegay In Dalka Laga Saarayo Cidkasta Oo Caqabad Ku Ah Sugitaanka Amaanka Laascaanod Iyo Ka Somalilandba
October 4, 2021 - Written by Editor:

“Qofkii Marti Dhibaato Wada Noqda Waanu Ka Saaraynaa Somaliland Maanta Iyo  Berri-ba” Taliyaha Ciidanka Qaranka Jsl.

“Madaxda Soomaaliya Waxaan odhan lahaa nabaradii aad shacabka Somaliland hore ugu geysateen ha xoqxoqina, oo dib dadka ha u xusuusininna,” Taliyaha Ciidanka Booliska Jsl

Laascaanood(W,N-Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Ciidanka Booliiska Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi, Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) oo maanta siwada jir ah warbaahinta ula hadlay iyagoo ku sgan magaaada laascanood ayaa shaaca ka qaaday inaan amaanka magaalada Laascaanod iyo ka  Somaliland cidna loo daba fadhiisanayn wax ka qabashadiisa, waxii dhibaato ku ahna laga suulin doono,

Taliyeyaasha Ciidamada Somaliland oo ka hadlayey hawlgaladda lagu sugayo amaanka Somaliland ee ka socda magaalada Laascaanod ayaa sheegay inay wadaan dedaalo dadka aan u dhalan Somaliland si nabadgelyo ah loogu celinayo degaanadooda, waxaanay fariin u direen madaxda Soomaaliya iyo dadka ka soo horjeeda nabada Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Sareeye Guuto Maxamed Adan Saqadhi oo hadal ka jeedinayey kulanka ayaa sheegay inay go’aansadeen in kansarka laascaanod dhexfadhiya laga suulin doono iyagoo Ilaahay SW la kaashanaya, waxaanu yidhi,

“Shirkan waxuu ku saabsan yahay hawlaha amaanka, waxa jirtay  muddo tobonaan sanno laga joogo, in magaalada Laascaanod ka dhici jireen dilal qorsheysan oo dalka aan meel kale ka dhici jirin, taasoo la mid ahayd mashruuca dilalka ee Soomaaliya ka dhaca, laakiin Somaliland ka nabadqabtay. Annagoo amaanka dalka u xilsaaran, oo  Ilaahay SW la kaashanayna waxaan go’aansannay inaan kansarkaa (Dilalkaa) dhexfadhiya Somaliland ka suulino, gaar ahaan Laascaanod, ee dadkii haldoorka ah ee dalka iyo Laascaanood u dhashay rag iyo dumar lagu dilayey inaan ka suulino, oo Laascaanod amnigeedu noqdo (Idam Alle) sida caasimadaha kale ee dalka.

Taliyaha Booliiska ayaa sheegay in guddiga amnigu go’aansadeen in dadka ajaanibka laga saaro magaalada Laascaanood, si arrinka nadabgelyada looga gun gaadho, iyagoo nabadqabana dalalkooda ku noqdaan, waxaanu yidhi,

“Markaan talaabooyinka amaanka qaadnay dad badan ayaa hadlay, oo fikrado kala duwan ka bixiyey, waxaan u sheegayaa dadkaa oo Madaxda Soomaaliya u horeyso, amaanka Somaliland annaga masuul ka ah, cid aan u daba fadhino oo wax ka weydiinayno ma jirto. Waxaan leeyahay dadka qeylinaya magaalooyinka aad joogtaan iyo caasimada Soomaaliya nabadgelyadeeda ka adkaada, mashruuca (dilalka) Xamar ka socda, Somaliland kama soconayo (Idam Alle), waanu ka suulinaynaa, kana tirtiraynaa.”

Taliye Saqadhi ayaa sheegay inay si ixtiraam iyo asluub ah dadka bixitaankooda loo qorsheeyey,inta cunto iyo biyo la siiyey, oo la tirakoobay gawaadhi dalkoodii loogu qaaday, waxaanu yidhi,

“Shacabka, madaxda magaalada Laascaanood waan amaanayaa, codsiga iyagaa keenay, markii dambe-na garab ayey nagu siiyeen, shaqadiina si fiican ayaa loo qabtay.”

Taliyaha Booliiska S/G Saqadhi oo fariin u dirayey madaxda Soomaaliya ayaa sheegay in shacabka Somaliland is-ilowsiiyaan dhibaatadii loo geystay, waxaanu yidhi, “Madaxda Soomaaliya waxaan odhan lahaa nabaradii aad shacabka Somaliland hore ugu geysateen ha xoqxoqina, oo dib dadka ha u xusuusininna,”

Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in shacabka Somaliland ku caan baxeen inay ummada dadka ajaanibku la noolaan karaan oo dhexgali karaan, waxaanu yidhi,

“Shacabka Somaliland waxay taariikh u leeyahiin ummada dadka ajaanibku la noolaan karo, dhexgali karo oo la ceeshi karo, inkastoo dawladda Soomaaliya siyaasiyan ku kala tagnay oo is-hayno, haddana shacabka soomaaliya waanu jecel nahay,”

Taliye Nuux oo ka hadlayey sababaha keenay in shacabka ka soo jeeda Soomaaliya looga saaro deegaanka Laascaanod ayaa sheegay,

“Dilal badan oo gaadhaya 86 oo ragii iyo dumarkii haldoorka lagu laayey ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood, si haddaba amaanka magaalada loo sugo, annagoo aan cidna waxba yeelin, xiushmad iyo ixtiraam u hayna dadka reer Baydhabo iyo kuwa kaleba, ayaan go’aan ku gaadhnay annagoo amaanka Somaliland sugayna inay si sharaf leh uga baxaan.

Taliye Nuux ayaa sheegay in dadka Soomaaliya u dhashay ee Somaliland nabadgelyo ugu noolaynaysa aan qofna loo diidayn, waxaanu yidhi, “Qofkii marti dhibaato wada noqda waanu ka saaraynaa Somaliland maanta & berri-ba”

Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) oo ka hadlayey shirka jaraa’id ayaa sheegay inay u socdeen hawlaha nabada iyo in la ogaado dilalku halka uu salka ku hayo, oo waajibaadka la soo faray ahaa, waxaanu yidhi,

“Dadku inay nabad ku seexdaan, oo ganacsigooda ku wataan oo gaadiidku habeenkii socoto ayaan u nimi, dadweynaha waxaan u soo jeedinayaa inay kala shaqeeyaan masuuliyiinta amaankooda hagaajinaya, nabada bulshada ayaa u baahan, meel aan nabad lahayn nolol ma yeelanayso, ee amaanka aynu ka wada shaqeyno.”

 

 

COMMENTS
LINKS