|
|||||
WAJAALE NEWS
“Reer Ninkii Ugu Weynaa Kharibay Baad Leedihiin Ha Hagaago”Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.
October 8, 2021 - Written by Editor:Jumca Mubaarak. Sheekadda Maanta: Berigii Hore muxaadarad diineedka waxa laga akhriyi jiray Maqaaxiyaha gaar ahaan xilliga Ramadaanta magaalooyinka Qaar gaar ahaan Hargeysa maadama ay Masaajidadu Yaraayeen. Maalin iyadoo muxaadiradii lagu gudo jiro ayaa Ninkii Sheekha fariintiisa sii gaadhsiin jiray ee la odhan jiray Muriidka ayaa isagoo hadalkii u sii jilcinaya dadkii Dhegaysaneyey fariinta Sheekha ayaa Wuxuu yidhi ” Al xaasil Wuxuu Sheekhu ina leeyahay hadaanu nabi Aadam (SWCW) geedkaa cuni lahayn Oo uu geedkaa iska xakameyn lahaa, kuligeen jannadda ayeeynu ku jiri lahayn. ” halkaa kolkuu marinayo ayaa oday goobta fadhiyey Oo ayaamahaasuun Hargeysa soo galay Oo xagaa iyo Miyi kaga yimi baa odhanaya; ” Reer ninkii Ugu weynaa kharibay baad leedahiin ha hagaago” intuu go’iisii boodhka ka tuntay Oo iska kacay. Qalinkii; Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen. Related posts:DAAWO;-Xildhibaanad Ka Tirsan Barlamaanka Somaliya Oo Ka Hadashay Carqaladaha Uu Farmaajo Ku Hayo So... “Somaliland Faa,Iido Iyo Khasaare Midkay Ka Dhexli Doontaa Shirka Djibouti?Faallo; Suxufi M, Jawhar. Gudoomiyaha xisbiga kulmiye oo Masuuliyiin Cusub u Magacaabay Gobolka Maroodijeex iyo Magacyada Gud... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|