|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxaa Ku Cusub Gobolkii Geeska Africa?
October 1, 2021 - Written by Editor:Jamhuuriyada Somaliland; Waxa socda kaambayn siyaasadeed oo dadban iyo dabino la Isla gaadayo doorashooyinka soo socda , waxaanan ugu horeysiinayaa ; Xisbiga Kulmiye & Xukuumadiisa Wali waxa ay ka soo kaban laayihiin guul darooyinkii kala kulmay doorashooyinkii dhacay 31-05-2021 kuwaasi oo galaaftay in ay masuuliyiin badani xilalkoogii ku waayeen , waxaana la filayaa in qaar badan oo kalena xilalkooda ku waayi doonaan. Waxaa uu madaxweynuhu si habsami iyo ka fiirsi leh u wadaa in uu dib u habeyn iyo diyaar garow ku sameeyo xukuumada iyo xisbigaba si aanay ugu dhicin guul darooyinkii kala kulmay doorashooyinkii deegaanka iyo wakiilada , sidoo kale waxa aad moodaa in uu ka dhursugayo shirka Xisbiga waddani ee dhowaan la filayo. Waxa aan salka ka fadhiyin guud ahaan masuuliyiinta xukuumada oo wada shanqadh dhawr ah , arimahani oo saameyn ku leh habsami u socodkii shaqo maalmeedkii caadiga ahaa ee qaranka iyo socodsiintii hawlaha qaranka. Xisbiga waddani & Hogaankiisa Waxa kulano u socdaan masuuliyiin iyo madax badan oo Kulmiye ahaan jirtay iyo hogaanka Xisbiga waddani gaar ahaan gudoomiyaha , waxaa baraha bulshada dhowaan u soo baxay kulano ay wada qaateen Gudoomiye Cirro , madaxwayne Siilaanyo, amb bashe awil iyo boqor buurmadaw oo dhaliyey dareeno siyaasadeed oo kala duwan. Xisbiga waddani waxaa ka soo baxay saraakiil iyo madax dhawr ah oo dhamaantood hogaanka Xisbiga iyo sida wax loo wada dhaliilsan ilaa imikana aan meel ku biirin , waxaa waliba dhici karta in shirweynaha isbadel balaadhan iyo is-dhaaf-dhaaf dhaco. Jamhuuriyada Federalka Somalia Somalia waxaa ka socda soo xulista xildhibaanadii aqalka sare iyo aqalka hoose ee baarlamaanka kuwaasi oo iyaguna soo xuli doona madaxweynaha bisha November ee inagu soo aadan. Ilaa hadda lama saadaalin karo qofka ku soo bixi doona madaxweynenimada soomaaliya oo aad bay u adag tahay sababtuna waxa weeye dadka soo xulaya ee kooban , oo sidii hore loogu yaqaanay wareega labaad ee doorashada ayuun baa wax la kala ogaadaa. Waxaa jira muxaafid is haysta laftiisu iyo mucaarad xoogan oo aan heshiis ku aheyn wax dhaafsiisan in madaxweynaha la rido , arimahani oo dalkaasi khal-khal siyaasadeed iyo mid amniba ku hayey 9 bilood ee ugu dambeeyay oo xaaladuhu wakhtiyada qaar gaadheen meelo halis ah iyo iska hor imaadyo ciidan. Ethiopia; Dalka Ethiopia xaaladihiisa siyaasadeed maaha qaar aad u wanaagsan oo xiligani waxa uu cadaadis culusi ka haystaa xaga beesha caalamka iyo dawladaha waaweyn gaar ahaan maraykanka. Dagaalada Ethiopia gudaheega ka dhacay waxa ay saameyn dhaqaale, nololeed iyo amniba ku yeesheen guud ahaan mandaqadda Gobolka Geeska Africa oo aad looga dareemay , waxaana sidoo kale jira in aan waan waan iyo wax isku soo dhawaansho siyaasadeed ahi aanu ka socon dalkaasi. Dawlad deegaanka soomaalida Ethiopia ayaa la filayaa in barito looga dareero doorashooyinka Federalka iyo kuwa heer deegaan oo ka baaqday doorashooyinkii Ethiopia ka dhacay , waxaana dib u dhacay , 1- Somalida 2- Hererida 3- Tigray oo iyagu hore u qabsaday oo ahaa halka khilaafka xukuumada Abiy Ahmed iyo maamulkii TPLF ee fadhiyey Makele iska seegeen. Kenya Waxaa bilaabmay kaambaynkii doorashooyinka horaantiisii oo xiligani waxa aad moodaa in is xulafaysiyo siyaasadeed oo cusubi in uu abuurmay waxaa wada socda labadii siyaasi ee dalkaasi ugu awooda iyo taageerada badnaa waa Raila Odinga iyo Uhuru Kenyata waxaana ololoha wata ilaa 10 xisbi ilaa hadda oo laga yaabo in ay hadhow sameystaan jeegaan mucaarid ah iyo mid muxaafid ah. Dalka Kenya waxa uu kaga duwan yahay Africa inteeda kale ilaa markii ay xornimada ka qaateen ingiriiska 1963 ilaa maanta dalka Kenya siyaasadiisa waxa hogaanka u haya dad kooban oo ka soo jeeda qoysaskii dadkii siyaasada ku soo loolami jiray , inta madaxwayne ee iska soo badeshayna waaba wax kooban 1- Jomo Kenyata 2- Daniel Arab Moi 3- Mwai Kibaki 4- Uhuru Kenyata . Sudan; Waxaa ka taagan xaalado siyaasadeed oo gudaha oo aan ilaa hadda xal loo helin , waxaana ka dhici gaadhay afgambi siyaasadeed maalin dhaweyd oo fashilmay. Xiisadaha taagani waxa ay u eeg yihiin qaar aan ilaa hadda la saadaalin karin waxa ay ku dambeyn doonaan , raisal wasaaraha Ethiopia oo ka hadlayey ayaa ku boorinayey in dadka reer Sudan la isku daayo oo ay gudahooga ha heshiiyaan. QALINKII; Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil
Related posts:Daawo-Muuqaal: -Mulkiilaha Hotel Guuleed Oo Sheegay In Carwo Bisha Ramadaan Lagu Qaban Doono Hotelka... Madaxweynaha Jsl Oo Kulan La Qaatay Kooxda Kubbadda Cagta Ee Xaga Maqalka Naafada Ka Ah Oo Kusoo Guu... Ololaha Doorashada Iyo Urur Siyaasadeedka Horseed Oo Cududooda Taageero ku Muujiyay Caasimada Hargay... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|