|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSL Oo Qasriga Madaxtooyada Kulan Kula Yeeshay Guddiyada Isku Khilaafsan Shirweynaha Beelaha Ciise Muuse Iyo Qodobada Kasoo Baxay!
October 25, 2021 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa xaqiijiyey in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse Biixi Madaxtooyada isaggu keenay garabyada guddiyadda Beelweynta Ciise Muuse oo isku khilaafsanaa qabaashada Shirweynaha Beelaha Ciise Muuse. Kuwaasi oo ay heshay Shabakada Wararka ee Xogreebnews Madaxweynaha ayaa la qaatay in Beeshu xaq u leedahay inay shir danahooda ku saabsan qabsadaan, balse waxa uu labada garab ka codsaday in midow Lagu qabto, isla Markaana intaa ka horaysa mudada shirka ka hadhsan la dhameeyo guddiyada Beelaha Ciise Muuse, gaar ahaan Guddida qaban-qaabada Shirweynaha Beelaha Ciise Muuse ee Kulan Global iyo Guddida Dan iyo Duco. kulanka labada guddi ee Beelaha Ciise Muuse ayaa waxa si weyn uga dhex shaqeeyey isu-soo dhoweyntooda masuuliyiin xilal haya iyo Madaxweynaha, waxana kamid ahaa Sida Wararku Sheegeen Maareeyaha Dekedaha JSL. kulankan ayaa u Madaxweynuhu ku heshiisiiyey labada Dhinac ee guddiyada kala ah Guddida qaban-qaabada Shirweynaha Beelaha Ciise Muuse iyo xubno kamid ah guddiyada Dan iyo Duco, waxana halkaa guddi uu dhammaynta khilaafka u Saaray saddex xubnood oo isku soo dhoweyn iyo heshiiska sii wadi doonta, waxana kamid ah xubna haldoorka iyo Madax-dhameedka isaggu jira ee Madaxweynuhuu u gartay in Shirkana Beeshu qabsato, wixii khilaaf ah si sulux ah Lagu dhameeyo Mujaahid Ibraahim Cabdilahi Dhego-weyne iyo Cheif Caaqil Axmed Caaqil Yare iyo Caaqil Cumar Jaamac Cilmi. Shirweynaha Beelaha Ciise Muuse, ayaa la filayaa inuu qabsoomo Badhtamaha bisha fooda inagu soo haysa ee November. XIGASHO; XOGREEBNEWS Related posts:Munaasibad Lagu Xusayay Askartii Reer Somaliland Ee U Dagaalantay Dalka Faransiiska oo Lagu Qabtay M... Daawo:Ciidanka Booliiska Magaalada Tog Wajaale Oo Qabtay Khamri Farabadan Iyo Dadka Lagu Qabtay Oo A... DAAWO; Emaaraadka Oo Bilaabay Dhismaha Saldhiga Milatari Ee Berbera Xili Aanay Wali Xukuumadu Ca... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|